Markab ay shaqaalihii ka caraareen oo ay saarnaayeen 450 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku xirtay Dekadda Taliyaaniga ee Corigliano Calabro

0
Saturday January 03, 2015 - 18:10:01 in by salman abdi
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab ay shaqaalihii ka caraareen oo ay saarnaayeen 450 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku xirtay Dekadda Taliyaaniga ee Corigliano Calabro

    Kooxaha Badbaadada ayaa howshan bilaabay kaddib markii qof markabka oo nooc ganacsi ah saarnaa uu diray qeylo-dhaan xilligaas oo ay ku sugnaayeen meel ka yara durugsan xeebaha Taliyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Badbaadada ayaa howshan bilaabay kaddib markii qof markabka oo nooc ganacsi ah saarnaa uu diray qeylo-dhaan xilligaas oo ay ku sugnaayeen meel ka yara durugsan xeebaha Taliyaaniga.
Markabka oo uu ku xiran yahay calanka dalka Sierra Leone, ayaa dabka uu ka tagay xilli habeennimo ah oo uu marayay gudaha badda.


Francesco Perrotti waa taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Corigliano Calabro, ee koofurta Taliyaaniga. Waxa uu sheegay in dhacdooyiinkii ugu dambeeyay ay muujinayaan in dad wax tahriibiyaa inay billaabeen isticmaalka farsamooyiin cusub oo ay ku safriyaan dadka ka soo cararaya goobaha dagaallada iyo dhibaatooyiinka ay ka jiraan.


David Osler, oo ah tafatiraha wargeys wax ka qora arrimaha maraakiibta iyo warshadaha ayaa BBC-da u sheegay inaysan suuragal ahayn in la joojiyo tahriibiyayaasha. Waxa uuna tilmaamay in shuruuckastoo la sameeyo ay jebindoonaan dadka arrimahan ka shaqeeya.


Qiyaastii 796 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay Markab kale oo la helay asigoo ay ka carareen shaqaalihii la socday horraantii isbuucaan.


Afhayeen u hadlay hay’adda caalamiga ah ee dadka soogalootiga ah ee IOM ayaa sheegay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen isticmaalkamarincusub oo isku xiraya Turkiga iyo Yurub.


Waxa uu intaas ku daray in muhaajiriinta laga qaato lacago badan, loogana tago bartamaha badda. 



Contact@afkashacabka.com