MADAXWEYNAHA JEEJNIYA OO KUN DOLLAR ABAAL MARIN U SIINAYA QOYS KASTA OO ILMAHOODA MAXAMED U BIXIYA

0
Sunday February 02, 2014 - 20:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 1566
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA JEEJNIYA OO KUN DOLLAR ABAAL MARIN U SIINAYA QOYS KASTA OO ILMAHOODA MAXAMED U BIXIYA

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Chechnya ama Shiishaan qofba sida u yaqaano, Ramadan Kadyrov, ayaa boqolaal kun oo dollar ugu deeqay, jimciyad gar gaar oo hore aabihii u sameeyay intaan la dilin, waxaanu lacagtan oo uu munaasibada dhalashada Nabigeeni Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Madaxweynaha Jamhuuriyada Chechnya ama Shiishaan qofba sida u yaqaano, Ramadan Kadyrov, ayaa boqolaal kun oo dollar ugu deeqay, jimciyad gar gaar oo hore aabihii u sameeyay intaan la dilin, waxaanu lacagtan oo uu munaasibada dhalashada Nabigeeni Maxamed (NNKHA), ku beegay ugu talo galay, in lagu abaal mariyo qoysaska ilmaha cusub ee u dhasha u bixiya Magaca Nabigeeni Subanaa ee Maxamed (NNKHA).
Ramadan Kadyrov, oo ka hadlayay xuskii dhalashada Nabigeeni Maxamed (NNKHA), ayaa sida warbaahintu warisay sheegay, in qoys kasta oo ilmahooda u bixiya Maxamed la siin doono abaal marin lacageed oo dhan kun dollar.

Kadyrov, ayaa sidoo kale sheegay in lacag intaas leeg sidoo kale la siin doono, qoyska ilme u dhashay u bixiya, mid ka mid ah magacyadii hooyooyinkii Muminiinta ee Ooryaha u ahaa Rasuulkeena, waxa kale oo abaal marintan heli doona oo qoyska ilmaha u dhasha u bixiya Magacyadii Khulafaa’u raashidiintii, sida Abiibakar, Cumar, Cismaan iyo Cali, mid ahaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada maamul hoosaadka ee Jeejniya oo ka tirsan xidhiidhka federalka Ruushka, Ramadan Kadyrov, ayaa ujeedada uu lacagtan abaal marinta ah u siinayo qoysaska magaca ilmahooda u bixiya, Magacii Rasuulka (NNKHA), Khulafaa’u Raashidiintii iyo Ooryihii Nabiga (RC), ku tilmaamay inay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Magaca Nabigeeni Maxamed, loona cadayn lahaa inuu yahay mid qalbiga qof kasta oo u dhashay jamhuuriyadaas ku yaala.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili dalka Ruushka ay ka dhaceen weeraro is miidaamin ah oo ay fuliyeen, kooxaha xag jirka ah ee Islaamiyiinta dalkaas, waxaanu weeraradaas ku tilmaamay Madaxweynaha Jeejniya Kadyrov, kuwo aan u adeegayn dadka Muslimiinta ah isla markaana looga dan leeyahay in lagu tashwiish galiyo sumcada diinta Islaamka.

Jimciyada khayriga ee Chechnya oo uu aasaasay madaxweynihii hore ee dalkaas, ahaana madaxweynaha imika talada haya aabihii, Imani Kadyrov, waxa ay ka mid tahay kuwa ugu dardarta iyo dedaalka badan guud ahaan ururada gargaarka ah ee ka jira jamhuuriyadaha Islaamku degaan ee dalka Ruushka.