" Dagaalkeenu qof la dilo uma joogsanayo wuuna soconayaa" SH. CALI DHEERE:

0
Sunday January 04, 2015 - 11:52:44 in by Burco Office
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Dagaalkeenu qof la dilo uma joogsanayo wuuna soconayaa" SH. CALI DHEERE:

    Iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka ay duqeymo ku dileen saraakiil ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo uu ku jiro hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo billowgii bishii September 2014-ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka ay duqeymo ku dileen saraakiil ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo uu ku jiro hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo billowgii bishii September 2014-ti

i lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose, ayuu afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa xusay in dagaalkooda uusan u joogsan doonin duqeymaha mas’uuliyiintooda lagu qaarijinayo.

Sheekh Cali Dheere oo wareysi siinayay Tv-ga Al-jaziira ayaa sheegay in hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay duqeymo, balse ay sii socdaan dagaalladooda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

"Duqeyn lagu dilo hoggaamiye ama sarkaal Al-shabaab ka tirsan waxba uma dhimayo dagaalka aan Somalia ka wadno. Waan sii wadi doonaa dagaallada aan uga horjeedno dowladda iyo ciidamada Midowga Afrika. go’aankeennuna waa inaan ku dhaqanka sharciga Islaamka ka hirgelinno Somalia oo dhan,” ayuu afhayeenka guud ee Al-shabaab ku yiri wareysigiisa.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas ku daray inay ku faanayaan in dagaalka ay wadaan ay ku baahiyeen gudaha Kenya. Isagoo xusay in weerarkii ay ku qaadeen xarunta AMISOM ee Muqdisho ay ku dileen tiro badan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay Sheekh Cali Dheere inay gacanta ku dhigeen rag uu sheegay inay jawaasiis u ahaayeen la shaqeeya dalalka reer galbeedka iyo shabakado shisheeye ah, kuwaasoo uu sheegay inay gacan ka geysteen dilal loo geystay hoggaamiyeyaal sare oo Al-shabaab ka tirsan.

"Haddii Mareykanku uu duqeyn kuwada dilo dhammaan hoggaamiyaasha Xarakada Al-shabaab, waa sii socan doonnaa… hoggaamiye cusub ayaana imaan doono… dagaalkeenu kuma xirna dhimashada qof iyo wax ka badan,” ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa ku daray.

Mas’uuliyiintii Al-shabaab ee duqeymaha lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah; Aadan Xaashi Ceyrow, Salaax Al-Nebhan, Axmed Cabdi Godane iyo xubno kale, kuwaasoo lagu dilay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya iyadoo xukuumadda Somalia iyo Mareykanku ay sheegeen inay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada dhexe toddobaadkii hore ku dileen madaxii sirdoonka Al-shabaab C/shakuur Tahliil

.contact@afkashacbka.com