Daawo + Akhriso : Qoomiyada Jaarso oo Si Rasmi Ah uga Mid noqotay Dadka Deegaanka ku Ah Caasimada Somaliland Ee Hargeisa ...

0
Sunday January 04, 2015 - 12:45:44 in by Holland Office
  • Visits: 6952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo + Akhriso : Qoomiyada Jaarso oo Si Rasmi Ah uga Mid noqotay Dadka Deegaanka ku Ah Caasimada Somaliland Ee Hargeisa ...

    .Hargeysa(Afkashacabka.com)-Caaqil cusub oo ka soo jeedda Qoomiyada Jaarsada ee Degta Dalka Itoobiya , ayaa calaamo-saarkiisa shalay lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, kaasoo ka mid noqon doona Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.Hargeysa(Afkashacabka.com)-Caaqil cusub oo ka soo jeedda Qoomiyada Jaarsada ee Degta Dalka Itoobiya , ayaa calaamo-saarkiisa shalay lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, kaasoo ka mid noqon doona Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex

 

 

Caaqilkan oo magaciisa la yidhaahdo Caaqil Abiib Xasan Libaax, ayaa Munaasibada lagu shaaciyay caano ku shubkiisa, waxa ka ka soo qayb-galay Madaxda Xafiiska Gobolka Maroodi-jeex, wax-garad iyo Dhalinyaro, Haween iyo Marti-sharaf kale oo ka mid ah Qoomiyada uu Nabad-doonka u noqonayo       

Xoghayaha Fulinta ee Gobolka Maroodi-jeex Xamse Khayre oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay si diiran u soo dhaweynayaan Caaqilka cusub, si har la’aan ahna ula shaqayn doonaan, marka caleemo saarkiisu dhamaado. "wuxuu nagala shaqayn doonaa Nabad-gelyada iyo howlaha dhaqanka, waanan soo dhaweynaynaa, si fiican-na waanu ula shaqaynaynaa” ayuu yidhi Xoghaye Khayre.

Caaqilka cummaamada nabad-doonimo la saaray Abiib Xasan Libaax, oo munaasibada isna ka hadlay, ayaa mahad-naq balaadhan u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa oo uu tilmaamay inuu gacan mug leh ka geystay sidii ay Wasaaradda Arrimaha guduhu u siin lahayd ruqsada caaqilnimada. Waxaanu yidhi "arrintani waxay ku timi dedaalkii balaadhnaa iyo howshii aad nala gashay Guddoomiye ee aad Wasiirka kaga soo saxeexday waraaqda ogolaanshiyaha”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo isugu hadal ka jeediyay kulaanka loogu gogol-xaadhayo Caleemo-saarka Caaqilka Beesha Jaarso, ayaa si cad ugu nuux-nuuxsaday inay go’aan xukuumiya ku timi sameynta Caaqilka Beesha Jaarso, tahayna arrin siyaasadda dawladdu jaan-goysay.

Guddoomiye Jeeni-yare, ayaa sidoo kale ku doodday inay talaabadani horumar weyn u tahay dhanka nabad-gelyada iyo wada-noolaanshiyaha Bulshooyinka ku dhaqan gobolkan uu madaxda ka yahay. "waxaad tihiin Beel balaadhan oo waddanka degen oo Gobolkan degen, mar dad kale sheegan karaan , oo shar iyo khayrba leh, kolkaa xag nabad-gelyo, xag siyaasaddeed, xag annagoo cunsuriyadii la dagaalamayna go’aankaa annagaa qaadanay (ah samaynta Caaqilka Jaarsada) dawladduna way nagu waafaqday.” Ayuu yidhi Jeeni-yare.

Haddaba tallaabadan caaqilka Qoomiyada Itoobiya lagu caleemo-saarayo, ayaa fajac iyo amakaag ku noqotay dadka reer Somaliland, iyadoo ay durba bulshadu isweydiinayso sababta Beeshan aan Degenayn dalka ee aan xataa Taariikhda reer Somaliland meelna ka soo gelin loogu beerayo Gobolka caasimada Dalku ku taallo, maadaama Beesha uu ka soo jeeddo Caaqilkan ka mid tahay Qoomiyadaha Itoobiya ee waddanka ku nool, sida Oromadda, Sheikhaashta, Abas kuulka iyo Beelaha kale ee la hal-maala ee aan rasmiyan u degenayn Dalka.

Waxaana dadka qaar ku fasilayaan arrintan qorshe xukuumaddu dano siyaasaddeed oo khaas ah ka leedahay, maadaama ay la xuquuq yihiin bulshooyinka kale ee la mid ah Jaarsadu. oromo hargeysa

Dhanka kale sida aan ku helnay  daba gal aanu arrintan ku sameeynay, Madaxda Wasaaradda arrimaha iyo Maamulka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa bixinta Aqoonsigan Caaqilkan u tix-geliyey Ashkhaas ka soo jeedda qoomiyada Jaarsada oo muddo dheer ku noolaa Somaliland, kuwaasoo saameyn ku dhex yeeshay bulshada Somaliland , kaddibna soo rakibay qorshaha ay ku degaamaynayaan Beeshooda degta Itoobiya.

Waxaanna Caaqilkan Diwaan-gelintiisa kaalin weyn ka qaatay Badhasaabka Gobolka iyo xubno uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha, kuwaasoo aqoonsigiisa iyo Mushaharkiisaba ka saxeexay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Geesta kale, sida ka muuqata qorshahan , waxa looga gol-leeyahay samaynta Caaqilakn inuu fududeeyo dadka ka soo jeeda Beeshiisa ee dalka degen inay ka qayb-qaataan Diwaan-gelinta Medeniga ah ee dalka ka socota, taasoo haddii aanay Caaqil yeellan aanay ka qayb-geli Karin.

Si kastaba ha ahaatee, Beesha Jaarso waxay ka mid tahay dadyowga reer Itoobiya ee Soomaalida ku abtirsada, rasmi ahaana waxay u degtaa Deegaamada Itoobiya, ha ugu badnaato Kilalka Shanaad ee Itoobiya’e. Sidaasi awgeed talaabadan cusub ee ay xukuumaddu ku degaamaynayso, ayaa loo arkaa mid khatar ku ah nabad-gelyada iyo Lahaanshiyaha Dal ahaaneed ee umadda Somaliland, waxaana tani dariiqa u xaadhaysaa in la degaameeyo Qoomiyaddo kale oo dalka dool ku yimi, sida Oromadda iyo Xabashida Itoobiya ka soo qaxay.


Afkacshacabka.com

Hargeisa Office