Dawlada Israa'il Ayaa joojisay Kharashaadka Canshuurta Ee Ay Siin Jirtay Maamulka Falastiin

0
Sunday January 04, 2015 - 18:29:29 in by salman abdi
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Israa'il Ayaa joojisay Kharashaadka Canshuurta Ee Ay Siin Jirtay Maamulka Falastiin

    Dawlada Israa'il Ayaa joojisay Kharashaadka Canshuurta Ee Ay Siin Jirtay Maamulka Falastiin Waxa ay sheegtay in ay tallaabadani jawaab u tahay codsiga uu maamulka madaxweyne Maxamud Cabaas uu xubinta uga noqonaya maxkamada dembiyada caalamiga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Israa'il Ayaa joojisay Kharashaadka Canshuurta Ee Ay Siin Jirtay Maamulka Falastiin Waxa ay sheegtay in ay tallaabadani jawaab u tahay codsiga uu maamulka madaxweyne Maxamud Cabaas uu xubinta uga noqonaya maxkamada dembiyada caalamiga ah (ICC).
Xukuumadda Israa'iil ayaa ballan qaaday in ay tallaabo degdeg ah arrinkaa ka qaadeyso, waxaana ay marka hore bartilmaameedsatay dakhliga Falastiiniyiinta.

 

Israa'iil ayaa ururisa canshuuraadka u soo xarooda maamulka Falastiiniyiinta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay heshiis kumeel gaar ah oo ay labada dhinac horay u galeen.

Canshuurtaasi oo bil waliba gaarta in ka badan boqol milyan oo dollar, ayaa ah dakhli aad muhiim ugu ah maamulka Falastiiniyiinta.
Shaqaalaha maamulkaasi ayaan hadda heli doonin mushaarkooda bishii December.

Saacib Erekat oo ah mas'uul sare oo ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa tallaabada Israa'iil ku tilmaamay ciqaab wadareed sharci darro ah.

Contact@afkashacabka.com