"Ma Galbaday Rashiid" Maanso Baroor-Diiq Ah Oo Uu Curiyey Saxafiga A.A.Asporo

0
Sunday January 04, 2015 - 18:34:10 in by
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma Galbaday Rashiid" Maanso Baroor-Diiq Ah Oo Uu Curiyey Saxafiga A.A.Asporo

    Wallow, aanan Abwaan ahayn, haddana, Geerida Allah ha u naxariistee, Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxa ay igu noqotay mid igu riday Anfariir iyo Naxdin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wallow, aanan Abwaan ahayn, haddana, Geerida Allah ha u naxariistee, Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxa ay igu noqotay mid igu riday Anfariir iyo Naxdin,

 waxa markiiba ii muuqatay Kaalintii wax-ku-oollka ahayd ee lama illaawanka ahayd ee uu Maxamed-rashiid, noogu jirey haddaanu nahay Bahda Saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland, oo ah mid mar walba I hor taagan, isla markaana ay adag tahay sidii bedelkiisii loo helli lahaa.

Marxuum Maxamed-rashiid, qof kaliya muu ahayn, laakiin aqoontayda shaqsinnimo waxa uu ahaa shakhsi Illaahay (SWT), ku manaystay hibooyin badan, oo ay ka mid ahaayeen, hal-adaygnimo, ku-dhac iyo karti dhinacyo badan leh oo lagama maarmaanna, taas ayaanna muujinaysa sida ay u adag tahay in hello qof astaamahaas oo dhan leh. Anigoo tacsi u diraya ehelkiisii, qaraabadiisii, saaxiibadii, bahdii warbaahinta ee uu hormoodka u ahaa iyo cidkastoo aqoon u lahayd waxaan leeyahay IIIaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo dhammaanteen.

 

Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa Maanso aan ugu Magac-daray"Ma galbaday Rashiid"waana Tix Baroor-diiq ah oo aan Murrugo tiriyey. Waxaan is-waydiinaayey dareen ahaan Tix iyo Tirraab midkii aan ugu Tacsiyayn lahaa Marxuumka, isla markaana aan uga qayb-qaadan lahaa Baroor-diiqda Geerida Walalkay amaba Walaalkeen Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Illaahay naxariistiisii Janno haka waraabiyee. Aniga oo aaminsan in Geeridu tahay Xaq qofkasta oo dunnida guudkeeda ku nooli uu mar dhadhamin doono, ayaan haddana is idhi si Murrugadu kuu dayso haddaad Maalin uun Maskaxdaada wax waydiin lahayd Maanta lul oo gil-gil. Waxaan ku hal qabsannayaa Suxufiga rug-caddaaga ah ee Cabdiqaadir Maxamed Ciid oo aanu ka wada tirsannahay bahda Shabakada Hadhwanaagnews.com.

Waxay tidhi Maansaddu:-

Adduunyooy ma tihid,

Meel laysku huboo,

Martu baa lagugu yahay,

Maantanna Cabdoow,

Ma galbaday Rashiid,

Caku muhindiskii,

Marka ay xun tahay,

Ee Muranku jiro,

Runta Magansan jirey,

Mar kalena Cabdow,

Ma waxa God-galay,

Oo Mawdku helay,

Hoheey Maxamed-kii,

Marka Suxufi dhab ah,

Masuul uu Handado,

Ama Maamul xidho,

Ma gaynaanu nidhi,

Ku Madiixi jirey,

Ee Miidhiyaha,

Musdanbeed dhabiyo,

Uu ahaa Muddici,

Masiirkooda jira,

Ma waxa galbaday,

Oon maanta tabay,

Mitidkii dulmiga

Maya odhan jiriyo,

Caku Maxamedkii,

Mabda’eenna jirey,

Kuna Miin caddaa,

Ma waxaa galbaday

Oon Maanta tabay,

Ma habradde Rashiid,

Mideeyii bulshada,

Ninkii Maataddiyo,

Ma xastaba jeclaa,

Murtise lama badh-xee,

Waxaan meerisyada,

Ku afmeeri-laa,

Dhamme Maxamadoow,

Waa Marin xaqe’ee,

Haddii mawdku helay,

Rabbi kugu mac-suun,

Midhihii jannada,

Aakhirro martabad

Macaankii Jannada,

Maamuus la kulan,

Mawlle waa Allee,

Macii Nabbigeena Noqo.




A. A. Asporo

Hargeysa Somaliland