Wasiirka Maaliyadda JSL oo Booqasho ku Tegey Rugta Kutubta Berbera Public Library +SAWIRO

0
Monday January 05, 2015 - 08:09:02 in by salman abdi
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda JSL oo Booqasho ku Tegey Rugta Kutubta Berbera Public Library +SAWIRO

    Wasiirka Maaliyada JSL Iyo Wefti uu hogaaminayo oo maanta kormeer ku soo maray Rugta kutubta ee Berbera Public Library, oo dabayaaqadii December albaabada loo furey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyada JSL Iyo Wefti uu hogaaminayo oo maanta kormeer ku soo maray Rugta kutubta ee Berbera Public Library, oo dabayaaqadii December albaabada loo furey,

dhawaana la bilaabi doono dhisme balaadhan oo casri ah oo loogu talogalay mustaqablka rugta kutubta Berbera. weftiga wasiirka waxa halkaas warbixin ku siiyey Guddida Library-ga ugana waramay wasiirka habsami u socodka shaqada library-ga,marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray,iyo u diyaar garawga wejiga labaad ee dhismaha cusub, waxayna wasiirka uga mahad celiyeen kaalinta muhiimka ah ee ay wasaarada maaliyadu ka gaysatey.

waxa iyaganu halkaas hadalo kooban ka soo jeediyey Mareeyaha Haamaha shiidaalka Berbera,Maayir xigeenka degmada Berbera Iyo Gudoomiye ku xigeenka G/Saaxil waxayna si isku mida u soo dhaweeyeen kormeerka wasiirka ee rugta kutubta Berbera.

Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay wasiirka maaliyada Mudane.C/casiis Maxmed Samaale, wuxuuna ka waramey faa'iidada uu bulshada u leeyahay Library-gani, waxa kale oo wasiirku uu hoosta ka xariiqey in $80,000-kii kun ee ay wasaarada maaliyadu ugu dartay Miisaaniyada 2015-ka dhismaha library-ga uu ku kordhin doono $20,000 taas oo noqonaysa $100,000 oo doolar, wuxuuna wasiirku balan qaadey in lacagtaas ay bixin doonaan horaanta sanadkan cusub. dhinaca kale wasiirku waxa uu mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatey hirgelinta rugta kutubta ee Berbera.

Contact@afkashacabka.com