Garoonka Diyaaradaha Ee Nairobi Oo La Xidhay

0
Monday January 05, 2015 - 09:19:28 in by salman abdi
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Diyaaradaha Ee Nairobi Oo La Xidhay

    Garoonka dayuuradaha ee ugu weyn caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa la xidhay ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka dayuuradaha ee ugu weyn caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa la xidhay ,

ka dib markii dayuurad yar kuwa gudaha Kenya ka shaqeya ah ay ku dhacday garoonka xilli ay soo caga dhiganeysay.

Masuuliyiinta Garoonka ayaa sheegay in dayuurad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ka duushay Magaalada Wajir waqooyiga bari Kenya oo ay laheyd shirikadda Skyward ay cilad ka qabsatay taayirada taana ay sababtay in markii ay soo degeysay caloosha dhigato Garoonka Jomo Kenyatta International Airport, iyadoo xanibtay halka wado ee ay diyaaraduhu ka soo caga dhigtaan garoonka.

 

 

8D1C4FE7-9385-45C1-9D02-7CA58CC24CCB_w640_r1_cx0_cy12_cw0_s

Cidina waxba kuma noqon shilkaasi, hase yeshee dhamaan duulimaadyadii caalamiga iyo kuwii gudaha ee ku socday garoonka ayaa loo weeciyay magaalada xeebta ku taala ee Mombasa.

Garoonka ayaa waxaa ka socda howlo lagu nadiifinayo burburka diyaaradda ee xanibay dariiqa caga dhigashada ee diyaaradaha.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in marka la nadiifiyo garoonka ay sii socon doonaan duulimaadyada sidii caadiga aheyd. 




Contact@afkashacabka.com