Biyo La'aan Laga Soo Sheegayo Deegaanka Gadoon Ee Gobalka Gal-gaduud

0
Monday January 05, 2015 - 10:17:58 in by Burco Office
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyo La'aan Laga Soo Sheegayo Deegaanka Gadoon Ee Gobalka Gal-gaduud

    biyo la'aan ayaa xilligaan laga soo sheegayaa deegaanka Gadoon ee gobalka Gal-gaduud, iyadoo dadka halkaasi ku dhaqan ay cabasho arintaasi la xiriirta muujinayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

biyo la'aan ayaa xilligaan laga soo sheegayaa deegaanka Gadoon ee gobalka Gal-gaduud, iyadoo dadka halkaasi ku dhaqan ay cabasho arintaasi la xiriirta muujinayaan

.

Deegaankaasi waxaa ku yaala Hal Ceel oo dadka biyo ay ka cabi jireen hase ahaatee ay cillad soo wajahday, taasina ay keentay in dadka ay biyo la’aan noqdaan.

Nabadoon Mire oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi yaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan sidoo kale ay faaruq yihiin Barkado biyaha ay dadka ku keydsan jireen xilliga jiilaalka, hadana aysan ogeyn meel ay biyo u raadsadaan.

"Gadoon wax la yiraahdo biyo waa laga waayay, dadka qatar xoogan ayeey ku jiraan, waxaan ku baaqaynaa in Hay’adaha Samafalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay gurmad deg deg nala soo gaaraan” ayuu yiri Nabadoon Mire

Dhinaca kale Nabadoonka ayaa sheegay in cuduro ay ka jiraan deegaankaasi iyadoo dadkii Duumo ay hayso, xoolihiina cuduro badan laga sheegayo.

contact@afkashacabka.com