Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Dhowaan La Ansixiyay

0
Monday January 05, 2015 - 12:24:27 in by Hargeysa Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Dhowaan La Ansixiyay

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Dhowaan La Ansixiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Dhowaan La Ansixiyay
Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Dhowaan La Ansixiyay

Hargeysa(afk)Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee dhowaan la ansixiyay. Xeerkaas oo dib u dhigaya doorashada mudaysan June 2015.

Madaxwaynuhu wuxuu 23kii December 2014 saxeexay marshuuca sharci kadib markii baarlamaanku ansixiyay.

Qodobka 7(2) iyo qodobka 26 (2) ee Xeerku wuxuu waajibinayaa in Gudida Doorashooyinku ay soo saarto liiska kama danbaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyayaasha lix bilood ka hor maalinta doorashada.

Xeerkani wuxuu dhaqangal noqonayaa sodon maalmood kadib taariikhda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah sida ku cad qodobka 75 ee Dastuurka JSL. Sidaasdaraadeed, waxa cad in Gudida Doorashooyinku aanay samayn karin diiwaangelinta codbixiyayaasha lix bilood ka hor maalinta doorashada. Ilaa hada (January 2015) diiwaangelinta codbixiyayaashalama samayn si loogu codeeyo June 2015.

Xeerkani wuxuu kala qaybiyay xubnaha Golaha Wakiilada oo uu dhex dhigay khilaaf wayn oo keenay mudaharaadyo ka dhacay Somaliland. Markii danbe waa la ansixiyay kadib markii Golaha Guurtidu ay heshiisiiyeen dhinacyadii is-hayey.

Tan iyo markii Guurtidu dhex-dhexaadinta bilowday waxaan suuragal noqon in bulshada rayidka ahi aragto nuqulka xeerka. Waxa adkaatay in laga helo nuqul Xeerka markii uu saxeexay madaxwaynuhu sababta oo ah waxan weli lagu soo saarin Faafinta Rasmiga ah. Waxa la filayey in Xeerku wadada u xaadho doorashooyin ku dhaca waqtigooda. Nasiibdarro, waxa xeerka loo qaabeeyey hab dib u dhigaya doorashooyinkii mudaysnaa. Xubnaha Golaha Wakiilada waxa la doortay toban sanno ka hor. Si joogto ah ayay Golaha Guurtidu dib ugu dhigeen mudo xilliyeedka Golaha Wakiilada.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dawladda ugu baaqaysaa inay soo jeediso wax-ka-bedel lagu sameeyo qodobada caqabadda ku ah in doorashadu ku dhacdo xilligeeda. Doorashadu waa inay ku dhacdaa waqtiga ay mudaysan tahay.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka



Ibnu Sheikh Harred

Afkashacabka.com

Office/Hargeysa