"Horta waxaad moodaa in xildhibaan Indho-indho uu maqaalkii uu qoray shaley aad moodaa uu uurkayga kala baxay." Dr. Goolle

0
Thursday March 20, 2014 - 07:54:07 in by Super Admin
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Horta waxaad moodaa in xildhibaan Indho-indho uu maqaalkii uu qoray shaley aad moodaa uu uurkayga kala baxay." Dr. Goolle

    Wasiir Ku xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr. Axmed Xasan Goolle, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu mutaystay bilad geesi ka dib markii uu gaadhay xadka Somaliland ee dhinaca Sanaag barri oo sida uu tilmaamay 12 km u jirsaday mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr. Axmed Xasan Goolle, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu mutaystay bilad geesi ka dib markii uu gaadhay xadka Somaliland ee dhinaca Sanaag barri oo sida uu tilmaamay 12 km u jirsaday magaaladda Boosaaso.
MADAXWEYNUHU WAXA UU MUTAYSTAY BILAD GEESI, WAXAANU 12KM U JIRSADAY BOOSAASO


Dr. Goolle waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku bogaadiyay madaxweynaha oo uu nasoo gaadhsiiyay, waxaanu xusay in madaxweynuhu uu indhihiisa ku soo arkay xog badan oo aanu hore u haynin, waxaanu ku dooday in mucaaridku ay candhuuftooda dib u liqeen markii ay arkeen socdaalka dheer ee Madaxweynuhu ku soo gaalaa-bixiyay goboladda dalka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

"Horta waxaad moodaa in xildhibaan Indho-indho uu maqaalkii uu qoray shaley aad moodaa uu uurkayga kala baxay.

1.Mudane madaxwayne waxaad jabisay rikoodhkii u yaaley madaxwaynayaashii kaa horeeyey
2.Mudane madaxwayne waxaad beenisay wixii ay Mucaaridka qaarkood ku hadli jireen iyo dacaayadihii laf-jabka ahaa ee ay faafin jireen.

3- Madaxwayne waxaad beenisay oo kale wixii mucaaridku dadka u sheegi jireen ee ahayd madaxwaynuhu dalka ma xukumo ee waxaa xukuma cid kale.

4.waxaad kale oo aad ka dhigtay waxayaalihii uu mucaaridku ku ololayn jirey oo dhan biyo col dhaanshay mar haddii aad soo martay LAWYO CADO ilaa QAW oo boosaaso u jirta 6km oo xadka Somaliland yahay laas-qorayna u jirta 5km xaga barri oo aad ka arkayso inaad Boosaaso u jirsatay 12KM oo kaliya.

Madaxwayne socdaalkaagani wuxuu ahaa mid taariikhi ah waxaad ka soo bogatey noloshii arrimaha bulshada ee dadweynaha reer Somaliland ee jooga barri illaa galbeed si aan lagaaga sheekayn waxa dadku qabo. waxaad dhigtay rikoodh cusub oo Wasiirrada iyo xilibaanada beelahaa u dhashey aanay gaadhin iyagoo ka soo noqon jiray tuulada Hadaaftimo.

ma garanaayo xataa Xildhibaan u dhashay deegaamadda Barriga Sanaag oo gaadhay halka aad gaadhay, waxaan is leeyahay madaxweynuhu wuxuu helay xog badan oo ka dahsoonayd markii hore.

Madaxwayne waxaa waajibay in laguu kordhiyo 5 sano oo dambe cid kugu haysataana ma jirto mucaaridkiina markaad halkaa gaadhay ayuu candhuuftiisii dib u liqay. waxaan shacbiga reer Somaliland leeyahay madaxwayne Siilaanyo waa in la gudoonsiiyo bilad Geesi, markuu ku soo laabto caasimada taas oo ay kuu dheer tahay in aad 5 sano oo dambe xafiiskana laguu jidiidiyo



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com