
Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Xadhiga ka jaray Dugsigii Dhegoolayasha Burco iyo Mashaariic kale, isagoo warbixina ka dhegaystay Guddiga dib udhiska Madaarka +SAWIRO
Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Xadhiga ka jaray Dugsigii
Dhegoolayasha Burco iyo Mashaariic kale, isagoo warbixina ka dhegaystay Guddiga
dib udhiska Madaarka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa shalay Gelinkii Danbe sii waday
Furistii iyo dhagax dhiggii mashaariicda gobolka Togdheer laga hirgeliyey,
waxana uu xadhiga ka jaray Dugsi Cusub oo loo dhisay Ardayda Dhegoolayaasha ah
ee Gobolka Togdheer, kaasoo aasaaskiisa iyo bilowgiisa uu lahaa badhasabkii
hore ee Togdheer ahna Badhasabka Gobolka AWDAL Abdo Ahmed Ayir, Dugsigaas loogu
magac daray masuulkaas wakhtiga, muruqa iyo maalkaba u huray sidii dugsigaasi u
dhismi lahaa.
Intaas kadib waxa Madaxweynuhu Xadhiga ka jarayWajiga Labaad Oo Ah
Dhismaha Dayr Dhisme Iyo Xayndaab Silig Ah Isu Jira Oo Lagu Wareejiyey
Madaarkaasi Oo Ka Kooban 9KM (Sagaal Kiiloomitir), Oo Isugu Jira Ilaa 4.5 KM Oo
Dhisme Laban Ah Oo Xaga Sare Taar Ku Leh Iyo Ilaa 4.5 KM Oo Taar Adag Ah, Kaas
Oo Ay Si Wada Jir Ah U Samaayeen Gudidda Dib U Dhiska Madaarka Iyo Wasaaradda
Duulista Iyo Hawadda.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi
Ayaa Madaxweynaha Warbixin Ka Siiyey Hawsha Baaxad Leh Ee Laga Qabtay Madaarka
Burco, Isaga Oo Sidoo Kalena Sheegay Inay Ka Wasaarad Ahaan U Qorshaysan Tahay
Sidii Madaarkaasi Loogu Samayn Lahaa Run-Way ( Dhabaha Dayuuraduhu Ka Haadaan)
Oo 3-KM Ah Oo Laamiya, Iyo Terminalo Loogu Adeego Dadka Dhoofayaasha Ah.
Gudomiyaha Gudiga Dib U- Dhiska Madaarka Burco Sheekh Cali Mawliid Oo Isaguna
Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Madaxweynaha Faafaahin Ka Siiyey Dhamays Tirka Laba
Mashruuc Oo Madaarkaasi Laga Fuliyey, Oo Ay Guddida Iyo Wasaaraddu Ku
Guulaysteen Hir Galintooda.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo Oo Isaguna Ka Hadlay
Dhamays Tirka Labdaasi Mashruuc Oo Laga Hir Geliyey Madaarka Burco Ayaa Si Weyn
Ugu Mahad Celiyey Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Uu Sheegey Inuu
Dedaal Xoogan Galiyey Fulinta Mashaariicdaasi.
Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Sidoo Kalena Cod Dheer Uu Ku Sheegay Inay
Xukuumadiisa Ka Go’an Tahay Dhamays Tirka Hawlaha Dib Loogu Hagaaajinayo
Madaarka Burco, Hawlahaasi Oo Ay Ugu Mudan Yahay Dhismaha Run-Way 3 KM Ah, Oo
Dhawaan La Bilaabayo.
Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay Xadhiga ka jaray Dugsigii Dhegoolayasha Burco iyo Mashaariic kale, isagoo warbixina ka dhegaystay Guddiga dib udhiska Madaarka +SAWIRO
Madaxweynuhu wuxuu xadhiga ka jaray Dugsi Cusub oo loo dhisay Ardayda Dhegoolayaasha ah ee Gobolka Togdheer, kaasoo aasaaskiisa iyo bilowgiisa uu lahaa badhasabkii hore ee Togdheer