Masuliyiintii Dhaawacu ka soo gaadhay Shilka baabuur ee ka dhacay duleedka degmada sheekh oo xaaladooda caafimaad ka soo raynayso
iyo weftigii madaxweynaha oo socodkoodii sii watay, iyo wasiirka madaxtooyada oo ka warbixiyey shilka haleelay weftiga tacsi na u direy qoyskii uu ka baxay Caaqil cabdi hadoodil
Wasiirka Warfaafinta Cukuse,
Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye, iyo Afhayeenka Madaxtooyada Dhuxul ayaa
dhaawacyo fudud oo ka soo gaashay shil Baabuur oo saaka ka dhacay Huddisa iyo
Laalays dhexddeeda, lana dhigay cisbitaalka Berbera, xaaladdoodu ka soo
raynaysaa, waxana masuliyiinta cisbitaalka ku bookhday madaxweynaha qaranka JSL
axmed maxamed maxamud siilaanyo oo ay weftigiisa xubno ka ahaayeen
masuliyiintan.
Afkashacabka.com

Masuliyiintan oo cisbitaalka berbera loogu fidiyey gurmadka
degdega ah ayaa sheegay in xaaladdoodu hadda ka soo raynayso, siina wadayaan
safarkoodi.
Wasiirka madaxtooyada JSL xirsi cali xaji xasan oo shilkaasi
kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggiisa facebookga ayaa yidhi
sidan "Shil Sahlan oo sababay
khasaare sahlan: mudo kooban ka hor waxaa shil sababay khasaare kooban soo
gaadhay waftigii Madaxweynaha oo maraya waddada u dhaxaysaa Sheekh iyo Bebera,
Illahay ayaa mahad leh dhamaan dadkii nabad galiyey, waxaan hadda ku suganahay
Berbera wakhti dhow kadibna waxaan u soo jeesan doona Caasimada.Waxaa
xusid mudan in Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ay gacanta kasoo gaadhay
dhaawac sababay jab, dhamaan intii kalena nabad iyo caafimaad qabaan.Alxamdulilah" ayu yidhi wasiirku
Waxa kaloo shilalkaasi ka dhacay duleedka degmada sheekh kamid ahaa caaqil ka mid ah cuqasha gobolka saaxil oo la yidhaa cabdi hadoodil inu shil baabuur isna ku geeriyooday, baabuurkaas oo ahaa kiisii isla markaasna la socday weftiga madaxweyna, maydka marxuumka oo loo qaaday tuulada suuqsade oo galabta lagu aasi doono, Wasiirka madaxtooyada ayaa mar kale dhambaal tacsi ah soo dhigay bartiisa facebook ga waxanu yidhi "Waxaan si dareen naxdin badan leh tacsi iyo duco uugu dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida naxdinta badan ee ku timid CHIEF CAAQIL CABDI MAXAMED CIGAAL "CABDI HADOODIL", oo saaka shil gaadhi ku geeriyooday wakhti kooban kadib markii uu dhacay shilkii sahlanaa ee soo gaadhay qaar kamida waftigii MadaxweynahaINAALILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN. ayu yidhi wasiirku.
Guud ahaanba Bahda Afkashacabka.com waxay tacsi u diraysaa
qoyska reer mohamed cigaal ee uu ka baxay marxuumku iyo guud ahaanba, asxaabtii
iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxum cabdi maxamed cigaalINAALILAAHI
WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN.