
WEFTIGII UU HOGAAMINAYEY MADAXWEYNAHA JSL AYAA DUHURKII KU SOO LAABTAY CAASIMADDA SOO GABAGABEEYEY SOCDAALKII XEEBAHA IYO GOBOLADA DALKA +SAWIRO
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Safar uu mudo ugu maqnaa Gobolada Bari ka dib ku soo guryo noqday Caasimada Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay Weheliyaan Gaadiid tiro badan oo qaarna galbinayaan kuwo kalena hore u la socdeen ayaa abaaro 1-dii Duhurnimo soo gaadhay Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa.
Waxaana Madaxweyne SiIlaanyo iyo weftigiisu saaka ka soo ambabaxeen Magaalada Burco oo uu ku sugnaa labadii habeen ee u dambeeyay, iyadoo intii ay jidka soo socdeen mashaariic soo dhagax dhigay, iyadoo dhinaca kalena Shil baabuur ku helay inta udhaxaysa Berbera iyo Sheekh, kuwaaso wasiiro iyo afhayenka madaxtooyada dhaawacyo sahlani ka soo gaadheen, halka caaqil ka mid cuqaasha gobolka saaxil na ku geeriyooday.
WEFTIGII UU HOGAAMINAYEY MADAXWEYNAHA JSL AYAA DUHURKII KU SOO LAABTAY CAASIMADDA SOO GABAGABEEYEY SOCDAALKII XEEBAHA IYO GOBOLADA DALKA +SAWIRO
Madaxweyne Siilaanyo oo si ka duwan sidi hore loogu soo dhoweeyey Caasimadda iyo Dadweyne Tiro badan oo Kantaroolka laga soo galo caasimadda illa madaxtooyadaa Taxnaa