SHIRKADDA DAHABSHIIL GROUP OO TABABAR HAL MAALIN SOCDAY U SOO XIDHAY SHAQAALAHEEDA IYO NUXURKA WEEDHIHI MASULIYIINTA+SAWIRO
Waxa tababarku si gaar ah u taabanayey xeerarka lagaga hortago lacagaha sida sharci darrada ah lagu kasbo, la isuguna gudbiyo, xeerarka ka hortagga u adeegsiga taban ee lacagahaa iyo sida looga ilaaliyo inay soo dhex galaan lacago laga helay ganacsiga daroogooyinka, hubka, iwm. Iyo, guud ahaanba, xeerarka caalamku u dejiyey dhaqdhaqaaqa lacagaha haddii ay tahay dal ilaa dal, qaarad ilaa qaarad ama qof ilaa qof, iyada oo aan meel lagaga dhaceen, waxna loo dhimayn ganacsiga aan arrimaha ku lug lahayn ee sharciga ah.
"Tababarkan waxa uu daba socdaa kuwo badan ooh ore oo aad ku soo qaadateen sida loogu dhaqmo xeerarka caalamiga ah, iyada oo inta uu kaga duwan yahay kani ay tahay iyada oo Tababare heer caalami ah oo Maraykan ahi casharradan bixinayo, taas oo muujinaysa sida Shirkadaha Dahabshiil ay uga go’an tahay inay macaamiisheeda kaga ilaaliso tuhun ka soo raaca lacagaha ay eheladooda iyo ganacsigooda u kala gudbinayaan,” ayuu yidhi Maareeye Cabdiraxmaan.
Waxa kale oo uu Maareeyuhu aad ugu mahadceliyey Waaxdii soo qabanqaabisay tababarkan oo uu hormuud ka ahaa Cali maxamed Goodir, iyo MaxamedCali Nuur "Siddiiq”, Wakiilka Shirkadda ee fadhighiisu yahay Minnesotta, USA, oo suurtageliyey imaatinka Tababaeaha.
Waxa si rasmi ah daaha uga rogay furitaanka tababarka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, Mudane Cabdi Dirir Cabdi, oo isagu qiray in shirkadaha Dahabshiil Group muujiyeen xilkasnimo aad u ballaadhan oo wax badan u sahlaysa iyaga laf ahaantooda inay xilka ay qaranka u hayaan si quman u gutaan.
"Waa ay muuqataa in dedaal badan iyo kharaj badan lagu bixiyey sidii uu tababarkani u qabdoomi lahaa, una soo afmeeri lahaa kuwii ka horreeyey ee shirkaddu hore u qabatay, "ayuu yidhi mudane Dirir.
Waxa isaguna kelmado kooban oo waxtar badan xambaarsan goobta ka soo jeediyey dhammaadkii tababarka Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, mudane Cabdullaahi Xasan, oo si aad u cilmiyeysan isu dul taagey sababaha waajibiyey in adduunku iskala jaanqaado ilaalinta sida sharci darrada ah loo dhex marin karo hay’adaha isu gudbiya lacagaha sida xawaaladaha iyo Bangiyada.
"Ammaan iyo bogaadin ayaan idiinku soo jeedinayaa sida aad isugu taxallujiseen, juhdi bandanna ugu hurteen in aan tuhun iyo madmadow innagu soo leexan, macaamiishiinnana dhibi ugu iman. Sida aqoonta badan ku dheehan tahay ee casharradani u socdeen waxa nooga kordhay kalsooni badan oo aan ku qabno sida hufan ee aad isaga xilsaarteen mihnadda isu-gudbinta lacagaha oo ku qotonta sharciyadda dalalka aad ku shaqaysaan iyo kuwa guud ee caalamkaba.
Waxa kale oo goobjoog ka ahaa tababarkan Kormeeraha (supervisor) waaxda Bangiga Dhexe u asteeyey la shaqaynta hay’adaha lacagaha ku lugta leh iyo sida isu-gudbinta lacagaha loo waafajinayo sharciyadaha jira.
Tababarka waxa bixinayey, gebegabdiinna shahaadooyin guddoonsiiyey ka-qaybgalayaasha, khabiir Maraykan ah oo la yidhaahdo Albert E Brady, oo ka socdey hay’adda A.E.B. Consulting Services, oo dhinaca sharciyada kala shaqeeya in ka badan 63 shirkadood oo Maraykanka kaga shaqeeya isugudbinta lacagaha, oo shirkadda Dahabshiil ka mid tahay kuwa u mudan.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
SHIRKADDA DAHABSHIIL GROUP OO TABABAR HAL MAALIN SOCDAY U SOO XIDHAY SHAQAALAHEEDA IYO NUXURKA WEEDHIHI MASULIYIINTA+SAWIRO
Waxa ugu soo gebagaboobey Saraakiisha, Wakiillada, iyo hawlwadeennada Shirkadaha Dahabshiil tabobbar heer caalami ah oo socdey hal maalin oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.