Proff. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Khudbad Qiimo Badan Ka Jeediyay Jaamacadda ADMAS + Sawirro

0
Monday January 12, 2015 - 07:51:00 in by salman abdi
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Proff. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Khudbad Qiimo Badan Ka Jeediyay Jaamacadda ADMAS + Sawirro

    Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoontiisa nin dunida caalamku qadariyaan ayaa khudbad qiimo badan oo la xidhiidha...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoontiisa nin dunida caalamku qadariyaan ayaa khudbad qiimo badan oo la xidhiidha...

arimaha isku xidhka caalamka casriga ah ka jeediyey xarunta Jaamacadda ADMAS UNIVETSITY ee magaalada Hargeysa,munaasi muxaadado ciiwaankeedu ahaa GLOBALIZATON [Edagayn] oo micneheedu yahay isu keenidda bulshooyinka caalamka.

Professor Samatar oo lahadlayey boqlaal ka tirsan Xidigaha aqoonta Admas University Student ay dhagaysiga khudbadiisa si weyn uga soo qaybgaleen maamulka sare ee Jaaamacadda,Macalimiinta kaladuwan ee ilaa heer caalami aqoontoodu gaadhsiisantahay,shaqaalaha,Xidigaha Hormuudka aqoonta Jaamacadaha [ADMAS STUDENT] iyo martisharafkale waxaa furkitaankii munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka dhaqaalaha Xuseen Cabdillaahi Maxamuud waxaanu si kooban uga hadlay ADMAS Univetity iyo Professor-ka xidhiidhka ka dhexeeyaa inuu yahay mid lugo adag ku taagan maadaama ay tahay khudbadiisii 3aad ee uu ka jeediyo Jaamacadda ADMAS UNIVERSITY.

Dhanka kalana Mr Xuseen isaga oo ku halayey magaca guud ee Jaamacadda ADMAS UNIVERSITY waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Professor Samatar isaga oo arimahaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa "Aniga oo ku hadlay magaca guud ee Jaamacadda ADMAS UNIVERSITY waxaan jeclahay inaan markii 3aad halkan ku soo dhawayno Professor Axmed Ismaaciil Samatar”

Professor Samatar oo ay dhaaan si aan kala sooclahayn dhegta iyo dhaayahaba ugu dhagaysanayeen khudbadiisa ka soo kasoo qaybgalayaashii mxaadaradaasi ayaa la arkayey qalinka iyo warqadaha oo lays-waydraasanayo Macalin iyo Ardayba wixii meesha fadhiyey si ay u qortaan xikmadihii ka soo butaacayey Afka Professor-ka .

Samatar

Professor-ku waxa uu si fiican u sharaxay Erayga Globalizaton-ka waxaanu ku tilmaamau inuu yahay inay bushadu si fudud isula jaanqaadaan iyaga oo ay cidwaliba ogtahay cidka kale waxay qabanayso ama ay ka hadlayso waxaanu tusaale ahaan u soo qaatay waxa maanta ka dhacaya dunida daafaheeda ugu shisheeya inay la socoto Gabadha reer miyiga ah ee Somaliland ku nooli isaga oo arimahaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa "hadaad maanta miygaa Gobalada Somaliland socdaal ugu baxdo waxaad arkaysaa dadkii reer-miyigeena ahaa oo xidhan dharkii ugu dameeyey ee ay soo saareen warshadaha caalamka ugu fodgi taana waxaa keenay Golobalization-ka dunidu maanta marayso” ayuu yidhi Professor Samatar.

Samatar 12

Dhanka kalana waxa uu saldhiga uga dhigay arimaha isku xidhka umadaha caalamka ku nooli waxaanu kusheegay qodobadaasi sidan hoos kuqoran.

1-Enviroment-geedaanka

2-Culture-dhaqanka

3-Political –Siyaasadda

4- Economy-Dhaqaalaha

Professor ku waxa uu sheegay waxa dunida u sahlay inay si fudud iskula wada xidhiidhaan iskula socdaan hadba siday xaalada Dunidu marayso saamaynta ugu badani inay ka imanayso deegaanka taasoo marag madoon ah wada noolaanshaha ay dadku wadan ama magaalo ku wada noolyihiini inuu yahay kan ugu horeeya ee laga dheehan karayo isku xidhnaanshaha bushalshadaasi.

Samatar 11

Sidoo kale dhaqanka ay bulshooyinka kaladuwani leeyihiin ayuu ku sheegay inuu yahay kan qolo kastaba u yeelaya sumadeeda u gaarka ah ee lagaga soocayo umadaha kale isaga oo arintaa sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi "arinta Globalization-ka caalamka waxaa saldhig u ah 4 qodob oo kala ah deegaanka,dhaqanka,siyaasadda iyo dhaqaalaha”

Professor Samatar markii uu ka hadlayey arinta siyaasadda waxa uu kumacneeyey inay tahay hormarinta danta guud ee umadda balse aanay ahayn waxa uu ku sheegay inay lamid-tahay tii Dameeraha oo kale "qodobka 3aad waa siyaasadda balse maaha Tollaayeey yaa-reer Hebalaay iyo tii Dameeraha oo kale ee waa inay ahaataa hormarinta danaha guud ee ay bulshadu leedahay” ayuu yidhi.

Samatar 9Samatar 10

Wada ka faa’iidaystay horka iyo isku xidhka arita Globalization-ka waxa uu ku sheegay inay yihiin kuwa ugu horeeya xagga dhaqaalaha iyo wax soo saarka sida Maraykanka, Yurub, Maleeshiya, Jabaan, koonfurta Kuuriya, waxaanu kuwa saaqiday ee salaanka ka dhacay ku tilmaamay waddamo farabadan sida Somaliya,Ciqraa,Suuriya,Afgaanistaan,Liibiya iyo qaarkale sida koonfurta Suudaan oo uu ku sheegay inay wadamadii aqoonsiga siiyey khaati ka joogaan muuqaal iyo magic-xumada ka soo yeedhaysa maalinkasta "Koonfurta Suudaan oo lalahaa hadba sida ay u dhaqaado iyo aragtida ay caalamku ka qaataan gooni isku taageeda ayey Somaliland arinteedu ku xidhantahay maanta waad arkaysaan wawxa ka dhacaya oo kuwii shalay aqoonsiga siiyey ayaa leh waar waamxay waxani sideebaynu ula dhaqanaa waxani Dawlad maahee” ayuu yidhi.

Samatar 7Samatar 8

Khudbadda Professor-ka oo dheerayd waxaan ku soobaynaa intaasi balse waxaanu idiin raacinaynaa dhawr su’aalood oo ay ardaydii Jaamacaddu wax ka waydiiyeen mawduuca ay khudbadiisu ku saabsanayd waxaana kamd ahaa su’aalihii la waydiiyey " waamaxay faa’iidada ugu jirta Dawladda Maraykanku inay sanadkiiba 50 qof dalkeeda keento iyadoo u maraysa barnaamijkeeda lootariga xaggeebaysa arintaasi ka soo galaysaa Globalizatiion-ka? Waxaanu ku jawaabay "dadka ugu weyn ee uu Maraykanku ka leeyahay arintaasi waxaa kamida inay gaboobeen dadkii waaweynaa ee dalka Maraykanku markaa loo baahan yahay in dad yaryar oo shaqaynaya lagu beero dalka si ay u shaqeeyaan”

Samatar 5Samatar 6

Waxaa kale oo la waydiiyey "Canbaaraynta badan ee lagu hayo dhaqanka qolyaha Gabooyaha loo yaqaano maxaa keena maxaase lagu yaraynkaraa?waxaanu u jawaabay” meeday ardaygii su’aashaa soo qoray? Waayo waa su’aal fiican” ayuu yidhi waxaanu kusheegay sababta keentay arintaasi inay salka kuhayso qabyalaad iyo jahli aan meela sal ku lahayn "arintaasi waxay salka u haysaa sila waynaan aan meela gaadhsiisnayn iyo qabyaalad uun” ayuu yidhi waxaanu sheegay inay arintaasi meelkastaba ka tagan tahay "anigaa kamida dadka arintaasi dhibaataa weyn ku hayso waayo waxaan ahay nin African-madaw ah markaan joogo Maraykanka waanad la socotaan Xataa Madaxweynaha dalka Maraykanka Obaama waxahaysta in la leeyaay waa ina Xuseen oo ah nin ka soo jeeda qoys Muslimiin ahaa ee m eesha halaga eryo” ayuu yidhi.

Samatar 2Samatar 4Samatar 4

"aniga iyo dadkale oo farabadan oo Madaw ahi waxaanu dalka Maraykanka uga ololeynaa sidii aanu ku helilahayn xuquuq lamida tan ay leeyihiin dadka cadaanka ah ee Maraykanka kale walina waanu wadnaa dayna-mayno ilaa aanu arintaa meel saare gaadhsiino” ayuu yidhi waxaanu xusay inay qadiyadda Gabooyuhu lamid tahay tan meel kastaba lagaga doodayo ee xuquuqda aadanaha "arinta Gabooyuhu waxay lamid tahay ay maalinkastaba qolyaha Human Rights-ku ka qalinayaan ee dalkastaba ka taagan aniguna qolyaha Gabooyaha waxaan ku idhaadaa waar idinka dee cabashada faraha badan joojiya oo dadka kale iskalamid dhiga” ayuu yidhi.

Samatar 1

"maantadaa aan joognaba waxaan la fadhiyey qolyaha la haybsooco markaa mid kamid ahi waxa uu ii sheegay in lagu soo casuumay shir heer caalami ah oo lagaga hadlayo Janeefa arimaha xuquuqda aadamaha taasina waa guul weyn oo ay gaadheen dadka la haybsoocaa waayo dee ninka Janeefa lagu soo casuumay waad garankartaan muhiimadda ay u leedahay inuu halkaa ka hadlo” ayuu yidhi Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo la arkayey ardayda Jaamacadda Admas oo aan lahayn mid qudha oo hadlaya ama kursigiisa ka kacaya intii ay socotay khudbadda Professor-ku qadarin iyo ixtiraam ay u hayeen maamulka Jaamacadooda iyo Sheekh Samatar oo ay si gaara u xiiseeyaan Ardayda Jaamacadaha dalku marka uu ku akhrinayo waxa uu ilaahay baray. 

Contact@afkashacabka.com