Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL Oo Ka Bilawday Magaalada Boosaso Bixinta Adeegyada Shirkadda

0
Monday January 12, 2015 - 07:57:23 in by salman abdi
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL Oo Ka Bilawday Magaalada Boosaso Bixinta Adeegyada Shirkadda

    Shirkadda isgaadhssinta ugu balaandhan geeska afrika ee SOMTEL ayaa magaalada Boosaaso waxaa maalintii labaad ka socota qaadashada kaararka shirkada SOMTEL iyo ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda isgaadhssinta ugu balaandhan geeska afrika ee SOMTEL ayaa magaalada Boosaaso waxaa maalintii labaad ka socota qaadashada kaararka shirkada SOMTEL iyo ...

 iska diwaan gelinta adeegyada shirkada oo in badan laga sugayey bixintooda shirkada.

 

Madaxa xiriirka bulshada ee shirkada SOMTEL Mustafe Suldaan Jeena Cade oo la hadlay Horseed Media ayaa u sheegay in shirkada ay si hordhac ay u bixinayso adeegyadan shirkada SOMTEL Xarumaheeda Boosaaso kuyaala oo aan weli si rasmi ah loo furin.


Mustafe Jeenacade waxa uu sheegay in macaamiishada shirkada xarumaha Boosaaso ay ka helayaan qaybo ka mid ah adeegyada shirkada oo uu ka mid yahay kaararka shirkada.

 

Shirkada SOMTEL ayaa dhawaan si rasmi ah u furaysa xarumaha gobolada Puntland kana bilaabaysa adeegyada shirkada oo in badan dadweynaha reer Puntland wada sugayeen sida uu inoo xaqiijyey Madaxa xiriirka Bulshada markaasna ay bixinayaan dhamaan adeegyada shirkada.


source: Horseedmedia



Contact@afkashacabka.com