Raisulwasaarekuxigenka Somalia iyo Xubno kale oo Wasiiro ah oo kasoo jeeda Somaliland oo ku jira Xukumada Cusub ee Somalia

0
Monday January 12, 2015 - 08:01:37 in by salman abdi
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raisulwasaarekuxigenka Somalia iyo Xubno kale oo Wasiiro ah oo kasoo jeeda Somaliland oo ku jira Xukumada Cusub ee Somalia

    Raysal Wasaaraha Somalia Cumar cabdirashiid Cali sharmarke Ayaa Xalay Saq Badhkii ku dhawaaqay Xubnaha Golahiisa wasiirada Xukumadda cusub ee uu hogaamin Doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Somalia Cumar cabdirashiid Cali sharmarke Ayaa Xalay Saq Badhkii ku dhawaaqay Xubnaha Golahiisa wasiirada Xukumadda cusub ee uu hogaamin Doono.


Waxana liiska Madaxda Xukumadda Raisulwasaare Sharmarke ku dhawaaqay ka dhex muuqday Siyaasiga caanka ah Mudane Maxamed Cumar Carte Qaaliboo ahaa Gudomiyihi Hore ee Urursiyaasadeedki hadhay  Ee DAMAL, oo lo magacabay Raysal wasaare ku xigeenka Dawladda federaalka Ee SOMALIA.

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa dabayaaqadi Sanadkii udambeeyay Ee 2014 ku sugnaa magaalada Hargeysa waxana uu siyaasigani kamid yahay Xubnihii Wasiirki hore ee arimaha dibada Marwo Fawsiya Yusuf Xaji adan kamid ahayd ee Somaliland ka cadhooday markii ay ururadoodi siyaasadeed ku hadheen Doorashadii golayaasha deegaanka ee Somaliland.

Sidoo kale waxa liiska golahaasi wasiirada ee Xukumadan cusub ee uu Dhisay Raysal wasaare Sharmarke ka muuqda xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda laftoodu Somaliland sida Cabdalle Boss Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Korontada iyo Biyaha Abdirahman Beeyle Wasiirka Arrimaha dibadda. Waxayna Wasiiradani ka soo jeedaan Gobolada  Togdheer , Hargeysa iyo Awdal



Contact@afkashacabka.com