NIN MAYD AH OO LAGA HELAY XEELIGA MARSADDA IYO BOOLISKA DEKADDA BERBERA OO KA HADLAY

0
Thursday March 20, 2014 - 18:52:20 in by Super Admin
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NIN MAYD AH OO LAGA HELAY XEELIGA MARSADDA IYO BOOLISKA DEKADDA BERBERA OO KA HADLAY

    Nin mayd ah oo aan la aqoon ayaa habeen hore laga helay maydkiisa dekedda magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin mayd ah oo aan la aqoon ayaa habeen hore laga helay maydkiisa dekedda magaalada Berbera

sida uu noo xaqiijiyay taliyaha saldhiga booliska ee dekedda magaalada Berbera Maxamed Dacar Ibraahim.

Taliyaha oo galabta khadka Telefoonka noogu waramay ayaa sheegay in ninkaasi maydka ah oo ku soo caryay dekadda in aan ilaa hadda la aqoonsan diirka oo ka muldhaday awgeed, isla markaana loo malaynayo in uu dhawr habeen bad aku jiray.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in qofkaasi maydka ah ay ciidamadda ilaalada dekedu arkeen habeen hore isaga oo ay biyaha baddu meel cidhiidhi ah oo dekedda ka mid ah ku rideen iyada oo ka dibna laashash loo dalbaday lagana soo saaray badda.

Ninkan maydka ah ayaa sida uu taliyuhu sheegay la geeyay cusbitaalka magaalada Berbera, waxaanu intaasi ku daray taliye Dacar in ciidamada boolisku ay baadhitaan ku samaynayaan maydkaasi laga helay isagoo dul sabayna meel ku taala biyaha dekedda Berbera.

waxaanu yidhi "Ninkaasi maydka ahaa oo soo caaryay oo ay baddu soo tuftay oo diirkii ka muldhaladay oo aanu u malaynayno in uu bada dhawr habeen ku jiray, Xalay (Habeen hore) baa la helay xili waa ku dhawaadkii ah, isaga oo meel cidhiidhi ah oo dekedda kooneheeda ah ay baddu soogelisay, saaka subaxnimadi ayaana la soo saaray oo laashash loo dalbadayā€¯ .

isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi "Welina lama aqoonsan cid uu yahay qofkaasi maydka ah, diirka ayaa ka muldhaday, cusbitaalka ayaa la geeyay baadhista ayaana lagu samaynayaa CID-da ayaana baadhaysa, Lama garan karo inuu Soomaali ahaa iyo in uu ajnabi kale ahaa, waayo wax diir ah oo ku hadhay ma jiro, in uu midabkiisu casaan ama madaw ahaa lama garan karo oo uu is beddelay, oo aad ayuu u yaraaday, markaa lama garan karo, Badu inta badan dadka waxay ka keentaa wixii xagga barri kaga dhaca ayay eeriyada ka soo caaridsiisa, Markaa in uu qof waalan ahaa iyo in kale lama oga.






Afkashacabka.com

Berbera  /Office

Contact@afkashacabka.com