XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA IYO SAXAAFADA OO ISLA QAATAY IN LA DHAQAN GALIYO XEERKA SAXAAFADA SOMALILAND (X/LR.27/2004)

0
Thursday March 20, 2014 - 18:57:17 in by Super Admin
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUBNO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA IYO SAXAAFADA OO ISLA QAATAY IN LA DHAQAN GALIYO XEERKA SAXAAFADA SOMALILAND (X/LR.27/2004)

    XEERKAAS OO U MUUQDA MID LAGAGA GUDBI KARO XAALADA HADDA TAAGAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XEERKAAS OO U MUUQDA MID LAGAGA GUDBI KARO XAALADA HADDA TAAGAN Kulan ay yeesheen xubno ka socday golaha wakiilada iyo Saxaafada Somaliland ayaa lagu lafa-guray caqabadaha hortaagan in xukuumadu aanay saxaafada u adeegsan xeerka Saxaafada Somaliland ee dhaqan galka ah. Waxaanay labada dhinac isla qaateen dhawr qodob oo uu ka mid ahaa in isticmaalka iyo adeegsiga xeerka saxaafada Somaliland Xeer Lr.27/2004 lagaga gudbi karo xaalada hada taagan ee labada dhinac xukuumada iyo saxaafada madaxabaani ay kala tirsanayaan.


Kulankan oo qasdigiisa koowaad ahaa sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee u dhexeeya golaha wakiilada Somaliland iyo hay’adaha warbaahinta madaxabanaan ayay labada dhinacba meel ka wada-istaageen in aanay suurtagal ahayn loona baahnayn xeer cusub oo hada saxaafada loo sameeyo iyadoo haba-yaraatee xukuumadu aanay saxaafada u adeegsan xeerka ay ansixiyeen golayaasha Baarlamaanku Madaxweynuhuna uu saxeexay.


Kulankan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ayaa waxa ugu horayn aragtidiisa ka dhiibtay Xildhibaan Xasan Cawaale kaas oo yidhi "Xeerka ka soo baxa golaha Baarlamaanku waxa uu soo maraa laba qaybood, waa qaybta koowaade waxa uu soo marayaa golaha wakiilada, dabeetana guurtida ayuu ku soo xigayaa, sidoo kale waxa ugu dambaynta saxeexaya Madaxweynaha, hadii uu xeerkaa Madaxweynuhu uu saxeexay xeerkaasi sidiisa ayuu u hirgalayaa cid joojin kartaana ma jirto.

Kan maanta ay ka hadlayaan ee doodu ka socotay waa xeerka saxaafada 24/2004, xeerka saxaafada wax ka badal waa lagu samayn karaa, inta lagu samaynayo wax ka badal waxa shaqaynaya xeerkaa uu Madaxweynuhu saxeexay”.


Sidoo kale waxa isaguna aragtidiisa dhiibtay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, "Dalku xeer saxaafadeed buu leeyahay xeerkaasaana lagu dhaqayaa, hadii xukuumada iyo saxaafaduba ay dan qaran u arkaan in xeerkaasi wax laga badalo awooda golaha wakiiladaa leh, golahaana la korkeenayaa, hadii ay u arkiwaayaana wixii wax ka badal ah waa la laali karaa, saxaafada iyo xukuumadu way u wada siman yihiin wixii ay golaha keenaan, faraq u dhexeeyaa ma jiro labaduba waa soo jeedin, muwaadin kastaana waa uu keeni karaa soo jeedin golaha, balse dastuurku waxa uu leeyahay goluhu waa inuu tixgalin siiyaa wixii xukuumadu ay wadanka ku horumarinayso.


Markaa saxaafadu sidaasi ayay Somaliland muhiim u tahay oo wax badan ayay la soo qabatay ilaa 1992 oon dalka joogay oo jid dheer ayay la soo martay”.


Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa isna yidhi "Waxa ay malaha ku qurux badnayd Saxaafada oo halkaasi soo fadhida, xukuumada oo iyana halkaasi soo fadhida iyo anaga oo dhex fadhina in dooda ugu wanaagsani ay halkaa ka soo bixi lahayd inaga oo saddexdaa qaybood ah in la dhagaysto Xukuumadu waxa ay ku doodayso ee cabashadeeda ah, saxaafadiinana cabashadeedu dee maba qarsoona oo meel walba way ku qoran tahaye in la dhagaysto.


Golaha wakiiladu maadaama oo labadiiba u dhexeeyo saxaafadana ay isku wanaagsanaayeen aniga waa iga rayi, waxaan odhan lahaa haday maanta ina seegtay shirka kan ku xiga ha loo yeedho oo aynu is dhagaysano.


Ta ku saabsan cabashada labada dhinac oo shakhsiyan waxa iiga soo baxday, marbaa waxa la sameeyey guddi mar saxaafada iyo xukuumadu aad iskugu kaceen xiligii Daahir Rayaale ayaa guddi la sameeyey oo aan anigu ku jiro dabadeedna xukuumadana waanu u yeedhnay, saxaafada gaarka ahna waanu u yeedhay, markaasaa waxa iiga soo baxday in cabasho balaadhan oo macquul ah ay labada dhinacba ka jiraan.


Markaa cabashada labada dhinac waxa lagu xalin karaa xeerkaa xeer Lr.27/2004, xeer cusub in la sameeyaa iyadoo aan xeerkii horeba laba adeegsan, waxa barigaasina nooga soo baxday in aan maalin qudhaba la adeegsan xeerkaasi saxaafada, waxyaabaha yaabka leh qoladan garsoorku muran badan ayay nagala samaysay xeerkan madaxweynihii saxeexay golayaashuna meel mariyeen, qoladii garsoorka ahayd ee dadka dhexda u ahaydna ayaaba nagula doodaya jiritaankiisii, markaa iyadoon xeerkii laba adeegsan in xeer kale laga hadlaa waa baadil waa dambi”.


Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Baar Siciid iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, kuwaas oo iyaguna tilmaamay in marka hore xeerka saxaafada la adeegsado.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi fikradahooda ka dhiibtay saxaafadii madaxabanaanayd ee ka soo qaybgashay kulankaasi.







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com