Maanta Oo Salaasa Ah Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Suuqa Kala Iibsiga Ka Qoreen Wargeysyada Ingariiska

0
Tuesday January 13, 2015 - 14:01:57 in by Burco Office
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Oo Salaasa Ah Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Suuqa Kala Iibsiga Ka Qoreen Wargeysyada Ingariiska

    Suuqa kala iibsiga horyaalka Ingariiska ayaa furan iyadoo kooxaha ay bilaabi doonaan inay xoojiyaan kooxdooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka. Waxaana idiin soo uruurinay maanta wararkii ugu waa weynaa ee ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga horyaalka Ingariiska ayaa furan iyadoo kooxaha ay bilaabi doonaan inay xoojiyaan kooxdooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka. Waxaana idiin soo uruurinay maanta wararkii ugu waa weynaa ee ay wargeysyada Ingariiska ka qoreen suuqa kala iibisga ciyaartoyda.

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa ku wargeliyay Manchester United inuu diyaar u yahay in la iibsado ka dib markii uu sheegay inuusan ogeyn halka uu ka ciyaari doono sannadka soo socda. (The Guardian)

United ayaa ka fiirsaneysa inay 25 milyan ginni ku dalbato xiddiga khadka dhexe ee Southampton Morgan Schneiderlin si ay ugu xoojiyaan kooxdooda oo ay ugu soo baxaan Champions League. (Daily Express)

Waxa ay Man United sidoo kale qiimeyneysaa xaalada weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller kaasoo doonaya inuu isaga tago garoonka Allianz Arena. (Daily Star)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Brazil Lucas oo ay ka iibiso Napoli iyagoo doonaya inay bedelkiisa soo qaataan xiddiga Aston Villa Fabian Delph. (Daily Mirror)

Juventus ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli oo ay amaah ku qaadato bishaan iyagoo sidoo kale qiyaar u helaya inay 14 milyan ginni si joogta ah kula wareegaan xagaaga. (The Times)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay sarre u qaado lacagta ay ku dalbaneyso xiddiga khadka dhexe ee Legie Warsaw 17 jirka Krystian Bielik, laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan kooxda Jarmalka ee Hamburg. (The Times)

Gunners ayaa sidoo kale dooneysa weeraryahanka Swansea 29 jirka Bafetimbi Gomis. (Daily Mail)

Xiddiga khadka dhexe ee West Ham Ravel Morrison oo 21 jir ah ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Talyaaniga ee Lazio ka dib markii uu boos ka waayay Upton Park. (Mirror)

Weeraryahanka Tottenham Emmanuel Adebayor ayaa wadahadalo la leh kooxda Parma laakiin kooxda Talyaaniga ah ayaa dooneysa inuu dhimo dalabka mushaharkiisa. (London Evening Standard)

Tababaraha kooxda Everton Roberto Martinez ayaa diidi doona dalab kasta oo laga soo gudbiyo xiddihiisa u sareeya bishaan inkastoo daafaca Seamus Coleman oo 26 sanno jir ah ay xiiseyneyso Manchester United. (The Sun)

Daafaca Real Madrid Alvaro Arbeloa ayaa ku dhow inuu iska diido kooxaha Arsenal iyo Chelsea si uu ugu laabto kooxdiisa hore ee Liverpool. (Daily Express)

comtact@afkashacbka.com