Daawo Cristiano Ronaldo Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Qeyladii Uu Sameeyay Ka Dib Markii Uu Gudoomay Abaalmarinta Ballon d'Or Xalayto.

0
Tuesday January 13, 2015 - 15:17:21 in by Burco Office
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Cristiano Ronaldo Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Qeyladii Uu Sameeyay Ka Dib Markii Uu Gudoomay Abaalmarinta Ballon d'Or Xalayto.

    Cristiano Ronaldo ayaa shaxaraad ka bixiyay qeyladii uu sameeyay markii uu dhameystay hadalkii uu ku aqbalay abaalmarinta Ballon d'Or isagoo sheegay inay tahay wax uu ku bartay garoonka tababarka Real Madrid. Ronaldo ayaa abaalmarinta ku qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa shaxaraad ka bixiyay qeyladii uu sameeyay markii uu dhameystay hadalkii uu ku aqbalay abaalmarinta Ballon d'Or isagoo sheegay inay tahay wax uu ku bartay garoonka tababarka Real Madrid. Ronaldo ayaa abaalmarinta ku qaaday Zurich markii seddexaad xalayto, ka dib markii la siiyay abaalmarinta waxa uu ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay ka hor inta uusan gacmaha duuban islamarkaana qeylo ku dhuftay .

Abaalmarinta ka dib ayaa la weydiiyay waxa ay qeyladaas aheyd, waxaana uu u sheegay telefishinka Isbaanishak ee Cuatro: "Qeylada? Ciyaartoyda waa ay ogyihiin inaan mar walba sidaasi sameeyo marka aan gool dhaliyo ama marka aan badino. Waa qeyladeena aan ku sameyno Real Madrid.”

Ronaldo ayaa sidoo kale sheegay inuu gariirayay markii lagu dhawaa in lagu dhawaaqo xiddiga ku guuleystay abaalmarinta inkastoo si weyn loola xiriirinayay inuu hananayo ka dib sannad fiican oo soo maray.

"Raaxo kuma jirin, aad ayaan isagu buuqsanaa” ayuu hadalkiisa raaciyay. "Waxa ay la mid aheyd sidii sannadkii hore laakiin markaan ma aanan ooyin. Mar walba ma ooyi kartid. Waan ku tashanayay inaan ku guuleysanyo ka dib sannadkii i soo maray.”

Ronaldo ayaa sidoo kale hoos u dhigay in bartilmaameedkiisa uu yahay inuu ka sarre maro cadowgiisa kubadeed Lionel Messi kaasoo heysta afar Ballon d’Or.

"Inaan ku ku guuleysto shan si aan u garaaco Messi? Waxaan sidaas u iri kaftan sababtoo ah Messi wuxuu heystaa afar. Kuma waalni abaalmarintaan. Waa abaalmarinta ugu weyn laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaan koobab u qaado Madrid.”