Aqoonyahan Khaliif Xiinwaal : Waxaan ku hanbalyeynaa Madaxwaynaha Soomaliland waxqabadka iyo Socdaalka Gobolada Degmooyinka Dalka oo odhan Uu Ku Tegay Gaar Xeebta Bariga Somaliland‏

0
Friday March 21, 2014 - 04:26:16 in by London Office
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Khaliif Xiinwaal : Waxaan ku hanbalyeynaa Madaxwaynaha Soomaliland waxqabadka iyo Socdaalka Gobolada Degmooyinka Dalka oo odhan Uu Ku Tegay Gaar Xeebta Bariga Somaliland‏

    Waa wado ka duwan wadooyinka yaryar ee aynu malinkasta xadhiga ka jarayno waa wado qaranka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khaliif Xiinwaal
Waa wado ka duwan wadooyinka yaryar ee aynu malinkasta xadhiga ka jarayno waa wado qaranka Somaliland Aqoonyahan Khaliif Maxamed Warsame (Khaliif Xiinwaal) oo Qoraal kooban uu soo gaadhsiiyey Warbaahinta ayaa uu kaga hadlay Socdaalkii Taariikhiga ahaa ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland ku tegay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Galbeed ilaa Bari, Waxaana uu u Dhignaa Sidatan.

"Waxaan madaxwaynaha Somaliland ku habalyeynaynaa socdaaka tariikhiga ah ee uu ku tegay gobolada iyo degmooyin Somaliland ee mudnaa in maruun xalada nololeed iyo bahiyaha kajira uu ogaado madaxmaynaha dalka iyo dadka u taliyaa waan ku hanbalyeynayaa. socdaalka madaxwaynaha ee noqday madaxwaynihii ugu horeeyey ee boqda dhul Somaliland ka mida oo aanay booqan sadexdii madax wayne ee ka horeeyey aad iyo aad ayaanu kuugu amaanayna.
Hadii gacmaha lays qabsado wax badan ayaa suuragal noqonkara hogaanka suuban ayaa keena in kartida shacabka la muujiyo laguna dhiri geliyo in ay shacab iyo dawladba laysku duubnaado markasaa dadku hawlgalaan waxaa sabab u ah dhagax dhiga dawladu dhagax dhigayso gobolada iyo degmooyinka hadii ay kaga dhabayso umaduna kalinteeda way buuxinaysaa dawladuna kalsooni buuxda ayeey ka helaysaa.
Madaxwayne Silaanyo xaqbuu u leeyahay hadii maanta uu gaadhay laasqoray isaga oo u maray wadadii ugu Rafaadka badnayd somaliland ee xeebta bari iyadoo ujeedadiisuna tahay in xaalada dalkiisa iyo dadkiisu ku sugan yihiin indhihiisa ku soo arko oo wardoon tago oo tuulo iyo gobol iyo degmoba uu dhegaysto amaan aan yarayn oo tariikhiya oo aanay lahayn kuwii ka horeeyey ayuu lee yahay.
Waxaa kale oo aan ku amaanayaa horumarka wadooyinka dalka halbawle u ah isku xidhka dalkana u ah horumar aad u qiimo badan waxaa tusaale iyo waxqbad muuqda ah wadada isku xidha borame iyo hargaysa isku xidha oo uu xaddhiga ka jaray maalmo ka hor oo reer boramena mahadin doonaan iyada oo ay qayb ka qaadan doonto kobcinta dhaqaale ee gobolada Somaliland oodhan. Mashruuca wayn ee wadada sanaag iyo burco oo ah wado halbawle u ah guud ahaan wadankeen.
Waa wado ka duwan wadooyinka yaryar ee aynu malinkasta xadhiga ka jarayno waa wado qaranka Somaliland isku tijaabinaayo hadii aynu ku gulaysano waxaa hubaal ah in ilaahay moyee cidkale aynaan u baahnayn waxkasta oo aynu danteena guud manfac uleh inaynaan u baryo tegayn marlabaad waxaan ku amaanayaa xukumada silaanyo oo qayb libaaxle ka qadan doonta hormoodna ka ah sidii ay u hir gelilahayd wadadaasi waxaa mihiim ah in ay dadka iyo dawladuba u kacaan wadada labaad ee halbawlaha u ah Somaliland ee marta xeebta bariga ee saaxil taas oo waxbadan ka tari doonta horumarinta dhaqaalaha iyada oo ay ku yalaan dekedo aan casri ahayn aad u tiro badan hadana ku ah kheyraadka bada macdanta iyo xoolaha nool taas oo ka xidhan ama wado la,aani curyaamisay hadii wadada bariga saxil labaneeyo waxaynu helaynaa koboc dhaqaale oo aad u sareeya Waxaan kale oo aan xusayaaa bilicda iyo qurxinta ay ku wadaan xafiisyada iyo maamulada kala duwan sida Dhismaha Wasaaradaha qurxinta Xafiisyada iyo bilicda gobolada madaarada waxbadan oo aanay qaban ama seegayna way jiraan oo amaan kuma laha waxaynuna ku soo qaadan doonaa qoraalka danbe. Waxaa mudan in mucaarid iyo muxaafidba lagu hanbalyeeyo waxqabka muuqda wixii aan muqana loo tilmaamo ama daaha looga faydo.

Afkashacabka.Com
Contact@Afkashacabka.Com