Reysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Md Farmaajo Oo Si Weyn U Dhaliilay Xukuukamad Uu Soo Dhisay Reysal Wasaare Cumar C/rishiid.

0
Tuesday January 13, 2015 - 15:58:13 in by Burco Office
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Md Farmaajo Oo Si Weyn U Dhaliilay Xukuukamad Uu Soo Dhisay Reysal Wasaare Cumar C/rishiid.

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan dalka Mareykanka waxa uu si weyn u dhaliilay Xukuumada uu habeen hore soo dhisay Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo cadeeyay inay ka dhex muuqdaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan dalka Mareykanka waxa uu si weyn u dhaliilay Xukuumada uu habeen hore soo dhisay Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo cadeeyay inay ka dhex muuqdaan xubnihii horay u riday labadii xukuumadood.kuna tilmaamay xukuumad ay ka muuqato qof jecleysi.

Dad badan oo filayay Isbadal in uu dhici karo ayaa markii ay Arkeen Wasiiradaan iyo sida ay wax u socdaan Niyad Jab ay ku dhacday”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo oo intaa ku daray in uu horay soo
dhoweeyay markii la magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid. Oo ah masuul xilkaan horey u soo qabtay.

 

Md Farmaajo ayaa isagoo waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab jabeen markii Xukuumadan la soo magacaabay, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa nin qibrad leh, horayna xil u soo qabtay ay aheyd in qaladkiisii hore inuu ku wax qaato oo uu soo dhiso Xukuumad tayo leh.

Reysal Wasaarihii hore Md, Farmaajo ayaa xusay in dangtii guud laga hormariyay Dan gaar ah, isla markaana xubnaha dib loo soo celiyay wasiirada ay ahaayeen shaqsiyaad gaar ah oo Madaxweynaha ku dhowaa, kuwaasoo horay ugu fashilmay Xukuumadihii hore, haatana xukuumadan dib loogu soo diray.

Waxa uuna arinkaasi ku tilmaamay in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya Meel looga dhacay isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo Magacowday Wasiiradii uu horay u sheegay in ay Fashilmeen, taasina waxay muujineysaa in aan la raadin Danta Shacabka balse mid Shaqsiyadeed loo ordayay”ayuu yiri .

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana dhaliilay Xukuumada uu soo magacaabay, isla markaana ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu balan uga baxay, iyagoo ku hanjabay inay codka kalsoonida u diidayaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sabab uga dhigay soo celinta Wasiiradii hore, in waqtiga oo yar iyo in howshii horay loo waday la sii dhameystiro, si dalka loo gaarsiiyo doorasho sanadka 2016.

 contact@afkashacbka.com