"Arintan Xayiraada lagag qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo oo is waydiin Mudan waana arin Tuugo Ah,"Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka

0
Tuesday January 13, 2015 - 19:18:52 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Arintan Xayiraada lagag qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo oo is waydiin Mudan waana arin Tuugo Ah,"Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka

    Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan Ayaa sheegay in Xayiradii Shalay Laga qaadaya wargayska Hubaal Aanay waxbka Ka jirin,Xili ay shalay Maxkamada Gobolku Laashay Dacwadii loo haystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan Ayaa sheegay in Xayiradii Shalay Laga qaadaya wargayska Hubaal Aanay waxbka Ka jirin,Xili ay shalay Maxkamada Gobolku Laashay Dacwadii loo haystay.


waxa uu sheegay in Dacwadii Lagu soo oogay wali loo Haysto,Goobtaas Dacadeed lagu laalayn Aanay Goob joog ka ahay Cidii dacwada U Haysatay iyo Xeer ilaalintuba.

 Xasan Axmed Aadan Xayiraada laga qaaday wargayska Hubaal waxa uu ku sifeeyay mid lala Yaabo Oo Tuugo Ah waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.

 

Hubaal waxa soo edeeyey Booliska,Maxkamada ayuu in Badan ku jiray,Dacwadan Markii hore waxa gacanta ku Haysay Maxkamada Gobolka,Xafiisk Xeer ilaalintana Nin Xeer ilaaliye Ah ayaa Dacwadan oogayay,Marka La doonayo in dacwada La oogo Dhinacyada Boolisku way isa soo diyaariyaan Xeer ilaalintana waa loo yeedhaa,Markaas Xeer ilaalintu Goob joog kamay Ahayn Meeshaas Hubaal Lagu Siidaayay.

Isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Anagu Umaanu Socon Xayiraad ka qaadis,waxaanu u soconay In La edeeyo Masuulkii Am guddoomiyihii Am Tafatirihii Markaas Marka Dacwada la qaado Am Wax ayaa lagu helay Am wax ayaa Lagu waayay,Markaas Xayiraad Saaran Hadii Dacwada Lagu waayo Am Lasiidaayo Jaraa’idka.

Waxa uu sheegay in ay wali Dacwadi Socoto Lagu haystay Wargayska Hubaal isaga oo sheegay Hadii Dacwad Lagu helo Sidaas u Xayir-naanayso Hadii lagu waayana Xoriyadood Loo Siin Doono Waxaana uu yidhi.

"Hadii dacwad Lagu haysto Lagu helo waxa ay noqon Doontaa In laga Gun Gaadho in Ruqsada Lagala Noqdo Am in Lafasaxo si Aanu danbiba u dhicin Taasna waxa laga sugayay Markhaatiyaashii iyo  Booliskii Soo edeeyay,Markaas Fursadii Booliska Lama Siin Xeer ilaaliyuhuna Muu Ogayn Boolis loo yeedhay muujirin Go’aan Uubay iska Gaadhay oo Miidhiyaha Lasiiyay.

Xayiraada Shalay Maxkamada Gobolku ka qaaday Wargayskii Hubaal ayaa Xeer ilaaliyaha Qaranku ku Tilmaamay Mid Lala Yaabo Oo uu ku sheegay mid Tuugo Ah.

"Arintan Xayiraada lagag qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo oo is waydiin Mudan waana arin Tuugo Ah,Garsooruhuna waxa ay ahayd Inuu Dacwada Qaado iyada oo loo dhan yahay,Ka dibna Go’aanka Sheego Hadii uu siidayay iyo hadii kaleba ileen isaga ayaa u madax Banaane,Anagu Anbiil waanu ka qaadan karnaa hadaanu saluugno Sida wax loo xukumay,Lakiin Go’aan qayb ah Ayay soo saartay Maxkamada Dagmadu.

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa sheegay in Xayiraada laga qaaday wargayska Hubaal Aanay waxbka Ka jirin,Xili ay shalay Maxkamada Gobolku Sheegtay in Dacwadii loo hasytay Lalaalay.


Contact@afkashacabka.com