Daawo: Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Booqasho iyo Kormeer ku Tegey Goobta ay ka socoto Dhismaha Waddada Dawgacad

0
Tuesday January 13, 2015 - 19:21:49 in by salman abdi
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Booqasho iyo Kormeer ku Tegey Goobta ay ka socoto Dhismaha Waddada Dawgacad

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad qiimo badan oo xadhiga uu kaga jaray Wejigii koowaad ee Dhismaha Dawga-cad .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad qiimo badan oo xadhiga uu kaga jaray Wejigii koowaad ee Dhismaha Dawga-cad .


Madaxweynaha oo saaka ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa intii uu dhex maraayey jidadka waa weyn ee caasimada waxa si weyn ugu soo dhaweeyey shacbiga caasimada isaga oo madaxweynuhu sii watay socdaalkiisa waxa uu tuulooyinka iyo degmooyinka ku sii maray bulshada qaybeheeda kala duwanoo si diiran ugu soo dhaweeyey kolba halka weftigi soo gaadho, ugu danbayna waxa uu gaadhay dawga-cad korkiisa oo uu madaxweynuhu bilowga dhismaha wadada dawga-cad, xadhiga kaga jaray, ka dibna uu kormeer ku soo maray guud ahaan dhismaha wadada cad isaga oo madaxweynuhu halkay hada ku joogto ka soo laabtay, iyada oo halkaasina ka sii socondoonta.

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday goobtii loo asteeyey xaflada furitaanka oo qado sharafna loogu sameeyey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo weftigii ku wehelinaayey safarkiisa oo ahaa wefti aad u culus kana koobnaa madax-dhaqameed, xildhibaano,wasiiro, iyo marwada madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ganacsato, culimo awgiinka dalka, waxgaradka iyo indheer-garadkaba.

 


Contact@afkashacabka.com