Kal-fadhigii 26aad ee golaha wakiilada somaliland oo maanta la soo Gebogabeeyey iyo Xildhibano ka tirsan Golaha oo Qaabilay Wefti ka socday Shefield

0
Tuesday January 13, 2015 - 19:39:53 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kal-fadhigii 26aad ee golaha wakiilada somaliland oo maanta la soo Gebogabeeyey iyo Xildhibano ka tirsan Golaha oo Qaabilay Wefti ka socday Shefield

    Kal-fadhigii 26aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa maanta si rasmiya u soo xidhmay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kal-fadhigii 26aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa maanta si rasmiya u soo xidhmay.


Fadhiga maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi M.Baashe Maxamed Faarax  ayaa xildhibaanada golahaas ku war geliyey  inay maanta laga bilaabi gali doonaan fasax sideed todobaad ah.

 Dhinaca kale warar laga helayo golaha wakiilada somaliland  ayaa tilmaamaya inay xildhibaanadaasi galeen fasax iyaga oo aan ansixin xeerar ugu jiray kal-fadhiga 26aad ee golahaasi, taas oo saamayn ku yeelan karta habsami u socodka hawlihii golahan loo doortay.

 Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed iyo xildhibaano ka tirsan golahaasi ayaa maanta kulan la qaatay wafti ka socday dawlada Hoose ee Shefield kuwaas oo safar ku yimid somaliland.

 Xubnahan ka socday dawlada Hoose ee Shefield oo ay wehelinayeen muwaadiniin somaliland ah ayaa ahaa xubnihii hormoodka ka ahaa in aqoonsiga somaliland la hor geeyo golaha deegaanka ee Shefield.

 Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa xubnahan si diiran ugu soo dhaweeyey dalka, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa horu marinta qadiyada madax banaanida somaliland.



Contact@afkashacabka.com