Wasiirkuxigeenkii hore Amniga Somaliland oo Markii u horeysay Faahfaahin kooban ka bixiyey Xadhigiisii iyo Soo Deyntiisii

0
Wednesday January 14, 2015 - 09:14:54 in by salman abdi
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkuxigeenkii hore Amniga Somaliland oo Markii u horeysay Faahfaahin kooban ka bixiyey Xadhigiisii iyo Soo Deyntiisii

    Cabdilaahi Abokor oo shalay ka hadlay Xaflad Soo Dhoweyn ah oo Xisbiga UCID u sameeyey ayaa xusay inu Buug ka qoray Dhacdooyinkii iyo arrimaha xadhigiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdilaahi Abokor oo shalay ka hadlay Xaflad Soo Dhoweyn ah oo Xisbiga UCID u sameeyey ayaa xusay inu Buug ka qoray Dhacdooyinkii iyo arrimaha xadhigiisa
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo dorraad uun laga soo daayey Xabsi Toddoba bilood ahaa oo xukuumaddu ku ridday, ayaa markii ugu horraysay si kooban shalay uga hadlay xadhigiisa iyo waxyaabihii uu halkaas kula kulmay.

 
 
 
Cabdilaahi Abokor oo ka hadlayey munaasibad soo dhaweyn ah oo ay u qabteen Xisbiga Ucid, ayaa sheegay inuu qoraallo ka sameeyey xadhigiisa, isla-markaana uu dhawaan soo bandhigi doono dhibaatooyin uu kala kulmay xadhigiisa.

 
Waxa uu Cabdilaahi Abokor sheegay in saacado ka hor intii aan aqalkiisa loo dhicin oo rasaasta lalal dhicin uu fadhiyo la lahaa saraakiisha ugu sarraysa Ammaanka Somaliland, isla-markaana 
ay ku kala tageen nabadgelyo,

 
"Wakhtigii aan xidhnaa waxan qorayey Buug taariikhdaas ku saabasan isagoo faah-faahsanna marbaan jecelahay inaan umadda Somaliland usoo bandhigo, runtiina waxa ay ahayd dhacdo xanuun badan. Isla habeenkaas la i xidhayey taliyaha sirdoonka qaranka, iyo taliyaha Sirdoonka Madaxtooyada waanu wada Joognay taliyaha qaybta Galbeedkana wanu wada joognay, haddii la I yidhaahdo waa lagu soo weerarayaana wax uun bay noqon lahayd, waxana ay iska ahayd dhacdo faahfaahin u baahan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor.

 
Waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Xisbiga Ucid oo uu sheegay inay si weyn uga dhiidhiyeen Xadhigiisa iyo Dhibaatadii lagula kacay muddadii uu xidhnaa, waxana uu yidhi,

 
"Waxan halkan uga mahadnaqayaa Xisbiga UCID iyo Madaxdiisa, xogogaalna waxan u ahaa in xisbiga kaliya ee Xadhigayga ugu hadalka badnaa inuu ahaa Xisbiga Ucid, sidaas darteed baan iyadoo macsuumado badan la ii ballan qaaday aan ku doortay inaan mahadnaqa xisbiga Ucid ugu horraysiiyo.” ayu yidhi

 
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Amniga ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa muddo toddoba bilood ah ku xidhnaa Xabsiga Hargeysa, waxana hore loogu xukumay saddex sano iyo badh xadhig ah, iyadoo lagu eedeeyey inuu warbaahinta siiyey war ka dhan ah Ammaanka dalka.



Contact@afkashacabka.com