Doorashooyinka ka Dhacaayay DDSI iyo Xisbiyada ku Tartamaaya oo kala ah ESPDP iyo NGP

0
Wednesday January 14, 2015 - 09:55:32 in by salman abdi
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinka ka Dhacaayay DDSI iyo Xisbiyada ku Tartamaaya oo kala ah ESPDP iyo NGP

    Madaxa xafiiska doorashada ee DDSI, Maxamad Xabiib, ayaa shaaca ka qaaday in dad ka badan 700 oo kun ay mudo 4 maalmood ah isu diiwangaliyeen doorashada gobolka ka dhacaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa xafiiska doorashada ee DDSI, Maxamad Xabiib, ayaa shaaca ka qaaday in dad ka badan 700 oo kun ay mudo 4 maalmood ah isu diiwangaliyeen doorashada gobolka ka dhacaysa.

 Gudoomiyaha ayaa xogtan la wadaagay hay’ada wararka eeWalta oo ah midtaageerta dawlada Itoobiya.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad farabadan oo doonaya in ay is diiwangaliyaan si ay xuquuqdooda dumuqraadiyeed u muujiyaan. Waxa uu intaa ku daray in la rajayanayo in dad ka badan 3 milyan ay codkooda dhiibtaan.

 

Masuulkan ayaan warbixintiisa ku soo darin meelaha dadka uu tiradooda ku sheegay 719,840 ay iska diiwaan galiyeen.

 

Ugu yaraan 3.17 milyan ayaa la sheegay in ay gobolka ka codeyeen doorashadii ugu dambeesay ee dhacday 2010-kii.

 

Doorashada sandakan ayaa ku soo beegantay xilli xisbiga talada gobolka haya oo walli ka soo kabanayo qaybsanaan iyo khilaaf jiritaankiisa cidhiidhi galiyey. Xisbiga ayaa shir uu bilo ka hor ku qabsaday degmada Fiiq ku doortay guddi fulin iyo golle dhexe oo cusub iyada oo xubno ka soo horjeedsady madaxweynaha laga xayoobiyey xubinimadii xisbiga iyo kaalimihii gudida fulinta iyo gollaha dhaxe.

 

Xubnihii laga saaray xisbiga ayaa ilaa hada ku sugan caasimada dalka, Addis, iyada oo aan la saadalin karin maustaqabalkooda siyaasadeed ee gobolka.

 

LABA XISBI KALIYA

 

Gudiga doorashada ee DDSI ayaa sheegay in laba xisbi oo kaliya ay u tartamayaan doorashada deegaanka. Xisbiyada ayaa kala ahESPDPoo ah xisbiga talada haya iyo xisbi lagu magaacaboNew Generation Party -NGP- oo gobolka ku cusub.

 

Xisbiyo tiro yar oo hada ka hor doorashada u tartami jiri, sida WSLP ee uu madaxda ka yahay siyaasiga rug cadaaga ah ee Xirsi Dool, ayaa madasha ka maqan.

 

Ismaamulka Soomaalida ayaa ku jira gobolada dalka ugu axsaabta yar iyada oo Itoobiyabadankeeda ee xisbiyo kor u dhaafay dhawr ay iska sharaaxaan gobol kasta.

 

Dhanka kale, gudiga doorashada DDSI ayaan sheegin in ay jiraan muwadanin si shakhsi ah isu soo taagaya. Dasduurka ayaa xaq u siinaya in shakhsiyaadku isu soo taagaan doorashada.

 

Warbaahinta dalka, gaar ahaan kuwa ay xukuumadu ku hayso gacanta, ayaa waayadan ka gaabsaday in ka hadlaan dhacdooyinka DDSI ee doorashadu ku jirto.

 

Doorashada ayaa la filaya in ay dalka ka dhacdo 24 bisha May. 




Contact@afkashacabka.com