WASIIR CUKUSE OO LOO QAADAYO DHAKHTAR WADDANKA DJIBOUTI IYO XAALADIISA CAAFIMAD OO UU SI WAAFIYA UGA WARBIXIYEY

0
Friday March 21, 2014 - 13:01:21 in by Super Admin
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIR CUKUSE OO LOO QAADAYO DHAKHTAR WADDANKA DJIBOUTI IYO XAALADIISA CAAFIMAD OO UU SI WAAFIYA UGA WARBIXIYEY

    WASIIRKU WUXU SIDO KALE KA WARRAMAY SIDII SHILKU U DHACAY IYO WAXA SABABAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIRKU WUXU SIDO KALE KA WARRAMAY SIDII SHILKU U DHACAY IYO WAXA SABABAY

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed iyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka Magaalada Berbera.

 

Masuuliiyintan oo ka mid ahaa weftiga Madaxwaynaha Somaliland ku soo maray gobollada dalka, ayaa dhaawacyo soo gaadheen ka dib markii ay isku dhaceen labada gaadhi ee Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka caafimaadka oo garab socday, waxaana shilkaasi dhaawaca ugu culus ka soo gaadhay wasiirka warfaafinta oo gacani jabtay, halka labada masuul ee kale ay dhaawacyadoodu fududaayeen.

Dhanka kale, Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Cukuse, ayaa la filayaa in maanta loo qaado dhanka Caasimadda dalka Jabuuti, si wax looga qabto xaaladdiisa caafimaad daro ee shilkani sababay.

 




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com