Madaxweynaha Somaliland Oo Mashariico Cusub Ka Hirgaliyay Degmooyinka Dila, Baki Ee Gobolka AWDAL.(Daawo Sawirada)

0
Thursday January 15, 2015 - 21:31:42 in by Burco Office
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Mashariico Cusub Ka Hirgaliyay Degmooyinka Dila, Baki Ee Gobolka AWDAL.(Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa subaxnimadii maanta ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ku sii jeeda gobolada Gabiley, Awdal iyo deegaamada hiis yimaada goboladaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa subaxnimadii maanta ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ku sii jeeda gobolada Gabiley, Awdal iyo deegaamada hiis yimaada goboladaas.




Madaxweynaha oo safarkan ku soo mari doono gobolo dhawra ayaa ujeedada socdaalkani waxay la xidhiidhaa sidii madaxweynuhu ugu kuurgeli lahaa shacbiga ku nool goboladaasi iyo waxay ku sugan yihiin.


Safarkan oo la magacbay ama loogu yeedhidoono inta uu ku gudo jiro madaxweynuhu safarkii Buuraha iyo banaanka, oo looga jeedo madaama uu madaxweynuhu soo mari doono buuro aan hore madaxweyne somaliland ahi ama madaxweyne soo maray dalkan ilaa gumaysigii ingiriiska, sidoo kalena la rajaynaayo inuu madaxweynuhu uga sii gudbi doono gobolo kale oo aan haba yaraatee lahayn wax buuro sheegta balse banaan iyo bus uun la maridoono, waana sababta magacan buurta iyo banaanka loogu yeedhay safarkan.


Madaxweynaha oo saaka ka bilaabay safarkiisa Arabsiyo ayaa xadhiga ka jaray dooxa abaarso oo laga hirgeliyey biyo xidheen weyn.


ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay gabiley, kala baydh oo aad loogu soo dhaweeyey isaga oo uga soo gudbay Dilla oo si cajiiba u so dhawyasay madaxweynaha una dhigtay roog cas oo daadsanaa ilaa laamiga iyo beerta fagaaraha ee ay dilli caanka ku tahay.

halkaasi oo madaxweynuhu shacbigii qiimaha badnaa ee soo dhaweeyey uu kula hadlay kana dhegeystay wixii talooyin iyo tusaale ah ee ay u soo jeediyeen iyaga oo ku darsaday wixii degmada ka dhimana, isla markaasina uu madaxweynuhu u dhagax dhigay goobo dhawra.


Madaxweynaha oo laamiga kaga baydhay dilla una baydhay dhinaca buuralayda deegaamada Jaaraa-horto, ruqi, Baki, iyo oolbaki, oo madaxweynaha loogu soo dhaweeyey si qiimo badan iyada oo loogu qado sameeyey, Degmada baki, ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo hoyday Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama oo iyana uu ku soo beegmay xili makhrib ah balse ay shacbigu tubnaayeen wadada hareeraheeda, lulayeena caleemo qoyan, astaamaha qaranka somaliland.

Wararkan oo faahfaahsan waxa aanu idinku soo gudbindoonaa marka aanu baabuurta ka degno balse intan iyo qoraalada nagala sii socda waanad mahadsan tihiin

unnamed (8)unnamed (1)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (9)unnamed (10)unnamed (11)unnamed (12)unnamed (13)unnamed (14)unnamed (15)


Borama/Office

contatct@afkashacabka.com