Kutladda Toosinta Talada Qaranka ee Baarlamaanka federaalka oo mar kale sheegtay in aanay Kalsooni siin doonin Xukuumadda Cumar Cabdirashid Sabtida.

0
Friday January 16, 2015 - 19:33:42 in by Burco Office
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kutladda Toosinta Talada Qaranka ee Baarlamaanka federaalka oo mar kale sheegtay in aanay Kalsooni siin doonin Xukuumadda Cumar Cabdirashid Sabtida.

    Cabdiraxman Xoosh Jibril oo ah afhayeenka kutladda Toosinta Talada Qaranka ayaa shir jaraa'id uu qabtay ku sheegay in kutladooda iyo Badbaado Qaran ku heshiiyeen in aanay kalsooni siinin xukuumadda Sabtida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxman Xoosh Jibril oo ah afhayeenka kutladda Toosinta Talada Qaranka ayaa shir jaraa'id uu qabtay ku sheegay in kutladooda iyo Badbaado Qaran ku heshiiyeen in aanay kalsooni siinin xukuumadda Sabtida.


Xoosh ayaa ku sheegay sababta in aanay xil doon aheyn balse ay arkeen in talada dalka isku koobeen koox gaar ah.

Cabdulahi Goodax Barre oo oo ah gudoomiyaha kutladda oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in mudanayaasha baarlamaanka ku adkeystaan mowqifkooda ku aadan in aan codka kalsoonida la siin Xukuumadda Cumar Cabdirashid.

Barre ayaa intaa ku daray in aanay diidaneyn Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid balse laga soo horjeedo shakhsiyaad uu ku tilmaamay in ay dhaliil leeyihiin oo ku jira xukuumadda Cumar.

Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa sabtida hor imandoonta Baarlamaanka si ay kalsooni u waydiisato.

Kutladda Toosinta Talada Qaranka ayaa lagu dhawaaqay January 13, 2015


contact@afkashacabka.com