Wararkii U Danbeeyay Ujeedadda Wasiiradda Wasaaradaha Khaarajiga Iyo Daakhiliga Somaliland, Oo Shalay Safar Kadis Ah Ku Tagay Dalka Ethiopia

0
Friday January 16, 2015 - 21:08:19 in by salman abdi
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii U Danbeeyay Ujeedadda Wasiiradda Wasaaradaha Khaarajiga Iyo Daakhiliga Somaliland, Oo Shalay Safar Kadis Ah Ku Tagay Dalka Ethiopia

    Illo-wareedyo arrimahan u dhuun-dalloola, ayaa tibaaxaya n ay Labadan Wasiir ay Masuuliyiinta dhiggooda ah ee daka Ethiopia, ay kala hadli doonaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illo-wareedyo arrimahan u dhuun-dalloola, ayaa tibaaxaya n ay Labadan Wasiir ay Masuuliyiinta dhiggooda ah ee daka Ethiopia, ay kala hadli doonaan

 Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibada Iyo Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Maxamed Biixi Yoonis. Iyo Cali Maxamed Waran-cade, ayaa shalay u anbabaxay caasimada Dalka Ethiopia, ee Magaalada Addis Ababa.

Wasiiradda oo ka mid ahaa xubnihii weftiga Madaxweynaha ee shalay safarka ku tagay magaalada Boorame, ayaa lagu soo waramayaa in ujeedadda safarkan ay daaran tahay arrimmo la xidhiidha amniga, oo ay u weyn tahay ta Suldaan Wabar, iyo dhaqdhaqaaqyada ay dhalisay.


Illo-wareedyo arrimahan u dhuun-dalloola, ayaa tibaaxaya in ay Labadan Wasiir ay Masuuliyiinta dhiggooda ah ee daka Ethiopia, ay kala hadli doonaan sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen sugida ammniga, iyo sidii ay Ethiopia, uga gacan siin lahayd Somaliland, oo ay xuduud wadaagaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Suldaan Wabar.

 

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo ku saabsan safarkan ay labada Wasiir ku tageen Ethiopia



Contact@afkashacabka.com