Kulankii Waayo arag Ganacsade Cabdirashiid iyo Dhalinyarada Burco ee Xalay iyo Xogwarranka Dhabta ah ee Qurbaha loo Tahriibayo oo uu Xalay So Bandhigay

0
Saturday January 17, 2015 - 09:08:18 in by salman abdi
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Waayo arag Ganacsade Cabdirashiid iyo Dhalinyarada Burco ee Xalay iyo Xogwarranka Dhabta ah ee Qurbaha loo Tahriibayo oo uu Xalay So Bandhigay

    Masuliyinta Ururada Dhalinyarada Gobolka Togdheer iyo Ardayda Jamacadaha oo Wada jir u soo qaban qaabiyey kulan Lagu Martiqaaay Ganacsade Qurbajoog ahaan jiray oo Dhalinyarada ka Wacyigelinayey Tahriibta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyinta Ururada Dhalinyarada Gobolka Togdheer iyo Ardayda Jamacadaha oo Wada jir u soo qaban qaabiyey kulan Lagu Martiqaaay Ganacsade Qurbajoog ahaan jiray oo Dhalinyarada ka Wacyigelinayey Tahriibta

 
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Xubno ka socday Xildhibanada Golaha Deganka Shefield ee wadanka ingiriiska, Xildhiban bidhi oo ka tirsan golaha Degaanka Burco, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale ayaa si weyn loogaga hadlay Muhiimadda kulankani u leyahay Dhalinyarada, Waxana halkaas ka hadlay Dhalinyaro badan oo ka mid ahaa Qabanqabaiyashi Munasibadda, iyadoo intaas kadib na lecture Qiimo badan oo wacyigelin Dhinaca tahriibta uu halkaas ka jeediyey Ganacsade Waayo Arag ah oo Qurbaha ka yimi Dhowr iyo Toban sanno ka hor si waafiyana Da;yarta ugu sharraxay dhibka Qurbaha iyo Waxyaabo Xaqaaiq ah oo indhiisia uu ku arkay,waxanu waalidka kala taliyey dhiirigelinta ubadkooda ee dhinaca tahriibta isagoo xusay inaan ilmuhu markiisa hore waalidkiis u nixin, mudantahay na inaanu waalidkuna u nixin maadama qofkii uu dhalay u nixi wayey, 

waxana gebag abadii su'alo halkaas lagu waydiiyey Aqoonyahanka isagoo si waafiya uga jawaabay una tilmaamay Dhalinyarada Fursado iyo Waxyaabo ay shaqo ku abuuran karaan kuna gaadhin karaan Horumar dhaqaale iyo ganacsi, isla markaasna qofka iyo waddankuba faaidi karaan, Waana markii ugu horeysay ee Ganacsadahan oo kale lecture noocana uu jeediyo Dhalinyarada Burco


Contact@afkashacabka.com


La soco Warkan Oo Video ah Goor Dhow