Wargeys kamida Wargeysyada ka so Baxa Kenya oo Raali-gelin Ka Bixiyey Sawir Aflagaado Ku Ah Nebi Muxamed (CSW)

0
Saturday January 17, 2015 - 09:44:51 in by salman abdi
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeys kamida Wargeysyada ka so Baxa Kenya oo Raali-gelin Ka Bixiyey Sawir Aflagaado Ku Ah Nebi Muxamed (CSW)

    Wargayska The Star oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Kenya ayaa raalli-galin ka bixiyay sawir af-lagaaddo ku ah Nabigeenna Muxamed (NNKHH) oo wargeyska lagu daabacay Arbacadii lasoo dhaafay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargayska The Star oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer dalka Kenya ayaa raalli-galin ka bixiyay sawir af-lagaaddo ku ah Nabigeenna Muxamed (NNKHH) oo wargeyska lagu daabacay Arbacadii lasoo dhaafay,

kaasoo ka mid ahaa kuwii uu hore u daabacay wargeyskii lagu weeraray Paris ee Charlie Hebdo.

Maamulka wargayska The Star ayaa sheegay inay ogaadeen in kartoonkaan lagu daabacay wargeyska Arbacada uu meel ka dhac ku yahay dadka muslimiinta ah ee caalamka ku nool, gaar ahaan kuwa Kenya, isla markaana ay raalli-gelin ka bixinayaan.

"Wargaysku wuxuu si buuxda raalli-galin uga bixinayaa kartoon afla-gaaddo ku ah Nebi Muxamed (NNKH) oo lagu daabacay cadadkii soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay. Kaasoo ay si weyn uga cadhoodeen muslimiinta caalamka iyo kuwa Kenya,” ayay maamulka wargeyskan ku sheegeen raalli-gelintooda.

Sidoo kale, waxay intaas ku dareen. "Mas’uuliyiinta wargayska The Star aad bay uga qoomameynayaan sawirkaas iyo daabacaadiisa.” Iyagoo sheegay inay ahayd mid gef ku ah muslimiinta iyo diintooda Islaamka.

Tallaabadan uu qaatay wargeyska The Star ayaa la sheegay inay tahay mid ku timid hanjabaado kaga yimid muslimiinta Kenya iyo sidoo kale weerarro kaga yimaadda xoogagga Islaamiyiinta ah oo ay ka mid tahay Al-shabaab.

Dhawaan ayay laba dhallinyarada Muslimiinta ah ee Faransiiska waxay weerar ku qaadeen wargeyskii sawirradan horay u daabacay ee Charlie Hebdo, halkaasoo ay ku dileen 12-qof oo ay ku jireen siddeed suxufi oo wargeyskaas ka howlgalayay.


Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa imaanaysa xilli golaha warbaahinta Kenya ay ku hanjabeen inay xidhi doonaan wargeyska The Star, kaddib markii lagu daabacay sawirro lagu afla-gaadeynayo Nebi Muxamed NNKH. 




Contact@afkashacabka.com