Ujeedooyinka Ku Gadamaan Wafti Kedis Ah Oo Xukumadda Somaliland U Dirtay Wadanka Itoobiya

0
Saturday January 17, 2015 - 18:07:09 in by Burco Office
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedooyinka Ku Gadamaan Wafti Kedis Ah Oo Xukumadda Somaliland U Dirtay Wadanka Itoobiya

    Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Daakhiliga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay socdaal ugu ambo-baxay dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku tageen booqasho aan hore loo shaacin oo kedis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirrada Arrimaha Dibada iyo Daakhiliga Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay socdaal ugu ambo-baxay dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku tageen booqasho aan hore loo shaacin oo kedis ah.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay ujeeddada safarka labada wasiir, iyaguna wax tafaasiil ah kamay bixin qorshaha ay u tegayaa Itoobiya intii aanay ka dhoofin dalka, hase ahaatee ilo-wareedyo u dhuun daloola socdaalkooda oo Wargeyska Yool helay, ayaa sheegay in ajandaha safarkoodu xukuumadda ku dhashay, kaddib markii ay soo ifbaxeen caddeymo muujinaya inay gudaha gabood ka heleen Suldaanka reer Awdal ee Fallaagoobay iyo Maleeshiyada uu samaystay, kuwaasoo habeen saddexaad soo weeraray Saldhig Ciidanka Qaranku ku leeyihiin Koonfurta Magaalada Boorama.

Ilo-wareedyada Wargeyska Yool helay, waxay intaasi ku darayaan in arrintaasi soo shaac-baxday, kaddib markii maleeshiyada Ciidanka Qaranka ee Jiida Boorama soo weerartay ay galeen gudaha Itoobiya, kuna noqdeen saldhigyadooda halkaa ay ku leeyihiin, iyadoo taasi lagu sifeeyey inay dawllada Itoobiya u ogoshahay inay gudaha dalkeeda ka soo duulaan Somaliland.

Arrintan oo sida ay wararku tilmaamayaan inay Somaliland ku noqotay laf-dhuun gashay, ayaa la xusay inay sabab u tahay socdaalka kedis ah ee Wasiirrada Khaarajiga iyo Daakhiligu ugu baxeen Dalkaasi, xilli uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo booqasho ku tegau Gobolka Awdal ee xiisadu ka taagantahay. Inkasta oo aan war rasmi ah laga helin, waxay ilo-wareedyadu tibaaxeen in qorshaha ay u socdaan wasiirradu tahay sidii ay Dawlladda Itoobiya ugala hadli lahaayeen sababta ku keliftay inay marti-geliso Suldaan Wabar iyo Kooxdiisa iyo waxa iska bedelay heshiiskii labada waddan ku gaadheen ka wada shaqaynta amniga Soohdinta u dhaxaysa, si ay uga hortagaan khatar kasta oo dhexdooda gaboodsata.

Lama saadaalin Karo, Jawaabta xukuumadda Federaalka Itoobiya ka bixin doonto ajandaha Wasiirradu la sheegay inay ula socdaan oo marka la miisaamo u badan kara cabasho ka dhan ah Maamulka Deegaamada mart-geliyey Kooxda Suldaan Wabar oo ay u gudbinayaan dawladda sare dalkaasi, ayaa waxa kale oo ay ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed Wargeyska Yool u sheegeen inaanu xidhiidhka labada dawladdood dhowrkii bilood ee u dambeeyay fiicnayn, kaddib markii sida ay tibaaxayaan xogo laga helay labada dhinac, uu Madaxweynaha Somaliland fulin waayay arrimo dhanka nabad-gelyada khuseeya oo uu kala hadlay Reysal-wasaaraha dalkaasi markii ugu dambeysay ee ay ku kulmeen Magaalada Adis-ababa badhtamihii sanadkii ina dhaafay. Waxaana arrimaha Madaxweyne Siilaanyo fulin waayay ee ay wali Itoobiya ka biyo-diidsantahay laga xusay arrin xan ku soo gaadhay Gudaha Somaliland oo ahayd inay Dawladda Itoobiya Md. Siilaanyo ka codsatay inuu bedelo xubno ka mid ah Golihiisa xukuumadda oo aan maslaxad u ahayn wada-shaqaynta labada dal.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu dhankiisa ka biyo-diiday codsigaasi, una arkayfaro-gelinta ilaa xad gaadhsiisan oo dawladda Itoobiya ku samaynayso shakhsiyada dawladnimad ee Somaliland, hadii uu aqbalona ay nusqaan ku tahay hogaamintiisa, taasoo marka dhinac laga eego mowqifka uu ku diiday fulinta codsigasi, sumcada dalka u fiicantahay, hadana ay ka sii miisaan culustahay cadaadis diblomaasiyaddeed iyo xilfatan Maxali ah oo ay Dawladda Itoobiya ku boqno goyso Somaliland oo ay ka aragto waxyaabo badan oo u raadinayso danaheeda fog ee Istaraatiijiga ah.

Laakiinse si kastaba arrimuhu ha ahaadeene, waxaan la hilmaami Karin inay badhtamihii sanadkii ina dhaafay ee 2014-kii, ay labada Dawladdood qalinka ku duugeen heshiis nuxurkiisu ku qotomay ka Iskaashi laba geesood ah oo dhanka Nabad-gelyada iyo isu socodka labada dal ahaa, kaasoo ay Somaliland u saxeexeen Labada Wasiir ee haatan loo diray Addis-ababa, dhinaca Itoobiyana dhigooda dawladda Federaalku u saxeexeen

Cabdirisaq koronto

Hargeisa/Office

koronto935@gmail.com