Maxaad Ka Taqaanaa 8 Nooc Ee Hubka Ruushka Kamidka Ah Kuwaas Oo Si Xawli Ah U Horumaraaya.

0
Saturday January 17, 2015 - 18:12:01 in by salman abdi
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaanaa 8 Nooc Ee Hubka Ruushka Kamidka Ah Kuwaas Oo Si Xawli Ah U Horumaraaya.

    Wadankaasi Ruushka ayaa noqday wadan horumar balaadhan ku sameeya dhinaca hubka,taas oo keentay inay dawlado badani sas ka qaadaan marka la soo bandhigaayo,taas oo uu kor usii kacaayo horumarkiisu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadankaasi Ruushka ayaa noqday wadan horumar balaadhan ku sameeya dhinaca hubka,taas oo keentay inay dawlado badani sas ka qaadaan marka la soo bandhigaayo,taas oo uu kor usii kacaayo horumarkiisu.


Waxaana kamid ah hubkaasi 8 qaybood oo hubkaasi kamid ah ,iyada oo ay kamid yihiin kuwaasi.

1:T-90 tank:waa mid kamid ah kaareyaasha siday dadkeenu u yaqaanaan ama taangiyada dagaalka ee dalkaasi caanka ku yahay,waana mid marba marka ka dambaysa wax lagu soo kordhiyo,iyada oo dhowaan lasoo bandhigay mid kamid ah taangiyadaasi oo lagu soo kordhiyey qalab iska difaaci kara hubka lagu soo rido,sidoo kalena lagu soo kordhiyey waxyaalo digniin bixinaaya marka uu soo gaadho meelaha miinadu ku aasan tahay.

Noocan ayaa kamid ah qoys lagu magcaabo T-80 iyo T-72 ,waana nooc kamid ah kaareyaasha dalkaasi lagu sameeyo,waa nooc ka fudud kuwa lagu farsameeyo dalkaasi Maraykanka,laakin dhanka hubka ka culus,waana kuwo waxyaalaha ay ka samaysan yihiin ka fiican tahay waxyaalaha ay kuwa Maraykanku ka samaysan yihiin.

Qaybo kamid ah waxa laga sameeyey macdanta loo yaqaano Uranium ta oo la farsameeyey laguna daray waxyaalo kale,sidoo kalena waxay wax ka dili karaan masaafo dheer oo gaadhaysa ilaa 2.5 miles,iyada oo lagu wado in sannadkan lagu daro waxyaalo badan oo ay kamid tahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen hubka kala duwan,iyada oo sidoo kalena lagu kordhiyey hubka Laser-ka loo yaqaano oo ay wax ku dilayaan iyo qafas adag oo difaac.

2:BMP3:noocani waa mid kamid ah kaareyaasha ay isticmaalaan ciidamada lugta ee dalkaasi ,kuwaas oo u isticmaala gawaadhida yar yar ee dagaalka,isla markaana waa nooc kamid ah gawaadhidii ay hore u isticmaali jireen ciidamada dalkaasi Ruushku waqtigii dagaalada kala duwan ay kula jireen Jarmalka iyo ururka NATO.

Noocani waa nooc qadiimi ah oo aad looga yaqaano dalkaasi iyo caalamkaba,iyada oo waqtigan lagu daray waxyaalo badan oo dib u casriyeyn lagu sameeyey ,waxaanu qaadi karaa toddoba askari,isaga oo sidoo kalena leh madaafiic adag,gaar ahaana sawaariikhda nooca loo yaqaano ,kuwaas oo gaadha meelo kala duduwan,sidoo kalena waxa uu culays ahaan gaadhaa 19 tan,waxaana la arkay markii ugu horeysay dagaalkii Ukrain sannadkii 2014-kii dhamaaday.

3:Tornado:waa mid kamid ah sawaariikhda ugu caansan dalkaasi Ruushka,waana mid ay doonayso dawlada dalkaasi Inay kaga hortagto sawaariikhda ay soo dhigayso NATO xuduudaha ay wadankaasi la lee yahay wadamada qaaradda Yurub.

Waa mid leh dhuumo dhaadheer oo tiro ahaan gaadhaaya ilaa toddoba dhuumood,kuwaas oo awood u leh inay tuuraan toddoba gantaal,waxaanu dherer koodu gaadhayaan 300mm,waxaanu gaadhayaa gantaalkay ridaan masaafo dhan 60 mile,iyada oo la rajaynaayo in lagu sii daro dheeraad sannadkan 2015.


 
Contact@afkashacabka.com