Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Tacsiyadeeyay Geerida Fanankii Weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc.
- Visits: 837
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Xukuumada iyo Ka Golayaasha Qaranka waxa uu dhanbaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo dadka
Af-soomaaliga ku hadla ee uu Ka baxay Fanaankii caanka ahaa ee Maxamed
Axmed Kuluc oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN
Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed
Kuluc waxa uu ku dhashay deegaanka Raydab-khaatumo oo ka tirsan gobolka
Togdheer,sanadkii 1935kii,waxbarashadiisii waxa uu ku qaatay Somaliland
Wakhtigii uu maamulayay Ingriisku.
Alle ha u naxariistii waxa uu fanka ku
soo biiray sanadkii 1948kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay
ee laga aas aasay Cariga Somaliland xiligaasi oo ay socotay dabayshii
gobonimo doonka .
Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka
hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo
bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska,kuwaasi oo ilaa
maanta la xasuusto.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka
mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacada
Radio Hargaysa,isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga
taagay fagaaraha beerta xoriyada ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso
ay ka mid ahaayeen,Aan Maalo Hasheena Maanqdeen oo Sameeyay Abwaan
Saxardiid Maxmaed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee
Cabdiilaahi Qarshe.
Marxuum Maxamed Axmed Mudadii uu fanka
ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira
Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay Xaas iyo Caruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen.
Marxuunka xukuumadda Somaliland ayaa u
saari doonta guddi aas qaran u samaysa waxaana xafiiska wakaaladda
wararka ee Somaliland si is daba jooga ah usoo gaadhaya tacsiayaha la
gaadhsiinayo qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay marxuunka .
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ilaa wakhtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Wuxuu Marxuunka Ilaahay uga baryay inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo
Qoyskii iyo qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay alle ha u naxariistee
Marxuun Maxamed Axmed Kuluc
Cabdirisaaq koronto
Hargeisa/Office
Koronto935@gmail.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Tacsiyadeeyay Geerida Fanankii Weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Xukuumada iyo Ka Golayaasha Qaranka waxa uu dhanbaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo dadka