War-saxaafadeed uu xisbigu maanta soo saaray ayaa u dhignaa sidan "Waxaanu War Saxaafadeedkan ku caddeynaynaa in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Wakiilka Socialist International (SI) iyo Midawga Yurub (EU) ee Xisbiga UCID Md: Siciid Cumar Axmed (Siciid Ucid) ay ka qayb gali Doonaan Shir Wadamada Africanka Ah Ee Xubnaha Ka Ah Dalladda Caalamiga Ah Ee SocialistInternational (SI)

Shirkaas Oo Dhacaya 28—29— March Kuna Beegan Jimacaha Iyo Sabtida Soo Socda, shirkaas Oo Socon Doona Mudo 2 Cisho Ah isla-markaana lagaga hadli doona waxyaabo badan Sida Nabadagalyadda, Xalinta, Khilaafaadka, Dimuqraadiyada,Dawlad Wanaaga, Dhaqaalaha, Horumarka, Shirarkii Hore Waxyaabihii lagaga Hadley Iyo Shirka Kan Ku xiga Halka Lagu Qaban Doono

Waxaa Kale Oo Gudoomiyahu La Kulmi Doonaa

Jaaliyadda Reer S/land Ee Ku Sugan Tanzania

Xisbiga Dawlada Tanzania Ee La Yidhaahdo CCM

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumadda Ugu Baaqayaa In Shirarka Noocan Oo Kalihii Uu Guul U Yahey Qaranka Jamuuriyadda Somaliland Isla Markaana Warbaahinta Dawladda Ka Siidaayaan oo aad Meel Fog Wax Ka Eegtaan



Allaa Mahad

XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID

YUUSUF KAYSE ALLAHI

………………………………………………………………