Gancsade C/rashiid Haybe Oo Booqday Maktabada Magaalada Burco+Madaxda Halkaraan Oo Uga Warbixiyey Halka Uu Akhrisku Maraayo+Sawiro

0
Saturday January 17, 2015 - 21:24:58 in by salman abdi
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gancsade C/rashiid Haybe Oo Booqday Maktabada Magaalada Burco+Madaxda Halkaraan Oo Uga Warbixiyey Halka Uu Akhrisku Maraayo+Sawiro

    Madaxda Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Ayaa Kusoo Dhaweeyey Ganacsadaha Xarunta Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Waxaana Ay Uga Warbixiyeen QaabkiiAy Ku Aas Aaseen Maktabada Iyo Haatan Halka Ay Marayso Ayagoona Ganacsadaha Si Xeel Dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Ayaa Kusoo Dhaweeyey Ganacsadaha Xarunta Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Waxaana Ay Uga Warbixiyeen QaabkiiAy Ku Aas Aaseen Maktabada Iyo Haatan Halka Ay Marayso Ayagoona Ganacsadaha Si Xeel Dheer Uga Waramay Halkaraan Iyo Waxa Ay U Taagan Tahay



Bashiir Racdeeye Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Oo Warbixin Siiyey Ganacsade c/rashiid Haybe Ayaa Waxa Uu Sheegay In Maktabadani Lagu Furay Bugaag Tiro Yar Oo Heer school Ah Haatan Ay Marayaan heer Jaamacadeed iyo Waliba Bugaag Tiro Badan Oo Soomaali Kuqan Waxa Uu Gudomiyihu Sheegay Intii Ay Halkaraan Jirtay Inay Soo Saartay Qoraayo Badan Oo Bugaag Qiimo Badan Qoray Isla Markaana Ay Noqdeen Kuwa Hada Gobolkani Iyo Guud Ahaan Somalilandba Loogu akhriska Badanyahay.

Maxamed Salaad Ex Halkaraan Oo Isna Goobtaasi Ka Hadlay Ayaa Ganacsadaha Uga Sheekeeyey Maraaxilkii kala Duwanaa Ee Ay Halkaraan Lasoo martay maktabadani Waxaana Uu Sheegay In Ay Maanta Maktabadni Tahay Mid Kulmisay Dhamaanba Bahda Akhriska Ee Dalka Isla Markaana U Taagan Sare U Qaadista Akhriska Iyo Qoraalka.

C/rashiid Haybe Ganacsadaha Reer Jabuuti Ayaa Isagu U Qushuucay Qaabka Ay Madaxda Halkaraan Ugu Soo bandhigtay Iyo Dadaalka Ay U Galeen Sidii Ay Akhriska Iyo Qoraalka Sare Ugu Qaadi Lahaayeen Waxa Uu C/Rashiid Haybe Sheegay In Himilada Ay Leedahay Halkaraan Loo Baahan Yahay Inay Noqoto Mid Rumawda Maadaama Oo Aanay Dan Shaqsiyeed Ku Jirin Isla Markaana Ay Tahay Dan Umada Soomaaliyeed ka DHaxaysa.

Si Kastaba HA AHaatee Ganacsade C/rashiid Haybe Oo ka Mid Ah Dadka Inta BAdan Ka Qayb Qaata Sidii Loo Horu Marinlahaa Bulshada Gaar Ahaan DHalinyarada Ayaa La Filayaa Inta Uu Joogo Magaalada Burco Inuu Kulano Kala Duwan La Yeesho DHalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Burco Si Uu Faah faahin Uga Siiyo Qabaka AY Gancsi U Abuuri Karaan






Contact@afkashacabka.com