Madaxweynaha Somaliland Oo Xalay U Hoyday Degmada Xaaji Salaax, Saakana Safarkiisi Hawdka U Jihaystay.

0
Sunday January 18, 2015 - 12:29:26 in by salman abdi
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xalay U Hoyday Degmada Xaaji Salaax, Saakana Safarkiisi Hawdka U Jihaystay.

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa Habeenkii xalay u hoyday Degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan Degaanka Oodweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa Habeenkii xalay u hoyday Degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan Degaanka Oodweyne.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo Sabtidii ka ambabaxay Magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa sii maray degaanada u dhexeeya Baligubadle ilaa Xaaji-Saalax isagoo degmada Sabo-wanaag ku hakaday.


Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa ujeedada safarkoodani tahay u kuur galida Xaaladdaha Dad iyo duunyo ee degaanada ay Marayaan oo maalmahan u badan kuwa ku teedsan Xuduudka Somaliland la waado Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa hore u soo maray Degaamo ka tirsan Gobolka Gabiley,Awdal, Hawd iyo Maroodijeex, waxaana la filayaa inuu safarkiisu ku sinnaado ilaa Ceerigaabo.
Mucaaradka ayaa dhaliilo u jeedinaya Safarka Madaxweynaha, iyagoo si gaara farta ugu fiiqaya Sida aanu madaxweynuhu ugu nagaan Gobolka Awdal oo tabasho xooggani taalay.



Contact@afkashacabka.com