Guddida Mihnad Layaasha Caafimaadka Oo Amaro Ka Soo Saaray Xayasiiska Warbaahintu U Samayso Dhakhaatiirta

0
Sunday January 18, 2015 - 12:34:28 in by salman abdi
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Mihnad Layaasha Caafimaadka Oo Amaro Ka Soo Saaray Xayasiiska Warbaahintu U Samayso Dhakhaatiirta

    Xayaysiisyada ku saabsan Dhakhaatiirta ayaa laga mamnuucay Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta laga bilaabo 25-ka bishan January. Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka heer qaran ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay guud ahaan Warbaahinta sida Telefishann

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayaysiisyada ku saabsan Dhakhaatiirta ayaa laga mamnuucay Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta laga bilaabo 25-ka bishan January. Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka heer qaran ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay guud ahaan Warbaahinta sida Telefishannada,


 

Jaraa’idka,iyo Website-yada waxay uga digeen inay baahiyaan Dhakhaatiirka Is-xayaysiinaysa.
Axmed Xaashi Oday, Gudoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka,ayaa sheegay inay muddadaasi ay u qabteen farayaan inaan wixii ka dambeeya la baahin Xayaysiis Dhakhtar, iyadoo Guddidu 31-da bisha wixii ka dambeeya samaynayso Qiimayn islamarkaana ciddii Shahaado ka haysata Guddida uun Xayaysiis loo baahin doono.Arrintan ayaa la xidhiidha Qorshe Guddida Mihnadleyaashu ku xaqiijinayaan Aqoonta iyo Tayada Dhakhaatiirta iyo Dawada dalka taala.
Axmed Xaashi Oday Oo Arrintan sababaynaya ayaa yidhi"Waxaanu faraynaa inay Xayaysiiskaa ka daayaan, sababtoo ah qaabka loo xayaysiinayo ayaa xun, tusaale ahaan Ninka Yidhaa Caafimaadka guud baan ka shaqeeya ama Dhakhtar Guud baan ahay ee lagu Xayaysiinayo Dhiig-karka ayuu dawaynayaa,Macaankuu dawaynayaa, waxan kale ayuu dawaynayaa dee wuxuun baa la sarifay Caafimaadkii Guud,loomana baahna in waxaas la sheego”
Axmed Xaashi Oday waxa uu intaasi raaciyay "Wixii la Xayaysiinayo waa in si Asluub leh loo sheego, Waxaanu leenahay laga bilaabo 25-ka Bishan Talaabo sharci ah ayaanu ka qaadaynaa Insha Allah.”Waxaanu farriin u diray Bulshada Dr Oday "Waxaan leeyahay Bulshada Far Kaliyi Fool ma dhaqdo,Aniga iyo Kooxdan yar ee ila shaqaynaysaa Umadda Somaliland oo dhan ma badbaadin karno, haddii aan Umaddu la shaqayn.


Markaa waxaan leeyahay Caafimaadkiina haddaydaan idinku nala ilaalin annagu kaligayo ma ilaalin karo.waxaanu idinka codsanaynaa cid alle ciddaad aragtaan ee adeegga Caafimaadka si xun u fidinaysa waa inaad noo soo Sheegtaan.Dadka Meheraddaha leh waxaan ka codsanaynaa inay noo yimaadaan oo aanu qalabkooda iyo shaqaalahooda la eegno kadibna ay iska furtaan Xayaysiiskooda,xattaa kuwa aan sharciga u siinayno Xayaysiisku maaha sidan hadda wax loo xayaysiisto inay u xayaysiistaan ee waa inay si asluub leh u sheegaan” ayuu yidhi Dr Oday.
Bulshada Somaliland ayaa walaac ka qabtay Dhakhaatiirka iska xayaysiisa Warbaahinta oo inta badan iskugu jira Ajaanib iyo kuwo Somaliland u dhashay.Tayada Dawada iyo Aqoonta Dhakhaatiirta Somaliland ka hawl gala ayaa Bulshadu aad uga dayrisaa inta badan waxaana suuro gal ah Qorshahan Guddida Mihnadleyaashu inay wax ka bedesho Kalsoonida Bulshada.
Dr Axmed Xaashi Oday Oo Arrintan ka baahiyay Subaxnimada Axadda Idaacadda Radio Hargeysa waxa uu sheegay in cidda u hogaansami wayda arrintan Warbaahinta iyo Dhakhaatiirta Khusaysa in bartooda loogu tagi doono talaabana laga qaadi doono.



Contact@afkashacabka.com