Daawo Sawirada Calanka Faransiiska Oo la Gubay Iyo Banaanbaxyo Xoogan Oo Ka Socda Dunida Islaamka

0
Sunday January 18, 2015 - 12:36:39 in by salman abdi
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Calanka Faransiiska Oo la Gubay Iyo Banaanbaxyo Xoogan Oo Ka Socda Dunida Islaamka

    Waxaa maalintii 3-aad sii xoogeeysanayo Banaanbaxyada ka socda dalalka Islaamka ah kuwaas oo caro xoogan ka muujiyay Kartoon aflagaado ah oo laga sameeyay Nabi Maxamed (SCW) waxaana inta badan wadamada Islaamka lagu gubay calanka dalka Faransiiska .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalintii 3-aad sii xoogeeysanayo Banaanbaxyada ka socda dalalka Islaamka ah kuwaas oo caro xoogan ka muujiyay Kartoon aflagaado ah oo laga sameeyay Nabi Maxamed (SCW) waxaana inta badan wadamada Islaamka lagu gubay calanka dalka Faransiiska .

Shacabkaan careysan ayaa hanjabaado kulul hawada u soo mariyay jaraaidka laga leeyahay dalka Faransiiska ee lagu magacaabo (Charlie Hebdo) kaas oo wali faraha kula jira Kartooma iska hor keenaya dadyoowga heeysta Diimaha kala duwan .

Wadamada ugu daran ee lagu gubay calanka dalka Faransiiska waliba ay maalintii sadexaad ka soconayaan banaanbaxyo xoogan ayaa waxaanu ka xusi karnaa dalalka Pakistaan , Indonesia, Senegal, Turkiga, Malaysia, Aljeriya, Niger, Tunisiya, Masar, Mali, Bosnia Cumaa ,Qatar , Neyjeeriya, Marooko , Liibiya , Bangaladesh, India , Iiraan iyo kuwa kale oo aad u fara badan .