Falanqaynta Kulanka Xamaasadda Leh Ee U Dhex Mari Doona Ma.City Iyo Arsenal.

0
Sunday January 18, 2015 - 12:39:36 in by salman abdi
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqaynta Kulanka Xamaasadda Leh Ee U Dhex Mari Doona Ma.City Iyo Arsenal.

    Kulankani waa kulan balanqaad fiican leh. In la arko David Silva iyo Alexis Sanchez oo hal garoon ku wada jira islamarkaana qaab ciyaareed fiican kuwada jira waa wax daawasho mudan. Labada xiddig ayaana u qalma inay mushahar u noqdaan Xiddiga Sannadk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankani waa kulan balanqaad fiican leh. In la arko David Silva iyo Alexis Sanchez oo hal garoon ku wada jira islamarkaana qaab ciyaareed fiican kuwada jira waa wax daawasho mudan. Labada xiddig ayaana u qalma inay mushahar u noqdaan Xiddiga Sannadka Ee Ingiriiska.


Silva ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, xitaa waxa uu ahaa mid saameyn leh marka uu qaab ciyaareedkiisa ka hooseeyay siduu ahaan jiray. Sanchez ayaa ku dhiirogeliyay Arsenal goolashiisa iyo shaqadiisa isagoo gaadhsiiyay sagaal guul 12kii kulan ee ugu danbeysay.
Gunners ayaa xaalkeeda soo hagaagayaa. Mesut Ozil, Aaron Ramsey iyo Theo Walcott ayaa dhamaantood taam ah mar kale, inkastoo ay ka dhaawacan yihiin Debuchy iyo Mikel Arteta. Santi Cazorla ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira. Tomas Rosicky ayaa isna ka faa’ideysanaya fursadii la siiyay.


 

Awooda Olivier Giroud iyo awoodiisa kubadaha madaxa ayaana dhibaato ku noqon karta City, kuwaasoo ku qasban inay ku soo bilaabaan Vincent Kompany haddii uu taam buuxda yahay.

Barbarihii 2-2 ee ay Emirates ku galeen bishii September waxa ay aheyd ciyaar xiiso badan. Markaana sidaas ayaa la filan karaa haddii Arsenal ay qaab ciyaareedkeeda fiican la soo baxdo oo aysan isku soo ceebeynin sidii xilli ciyaareedkii hore.

Shan dhibcood oo nadiif ah ayay ku hogaaminayeen horyaalka markii ay guuldarro 6-3 ay ka soo gaadhay Man City, waxaana ay bilow u aheyd seddex guuldarro oo ka soo gaadhay kooxihii kula tartamayay horyaalka, waxaana sii raacday guuldarro 5-1 oo ka soo gaadhay Liverpool iyo guuldarro 6-0 oo ka soo gaadhay Chelsea.

Man City ayaan laga badinin 12 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, waxaa ay heystaan haatan xiddiga cajiibka Sergio Aguero oo taam buuxda u ah ka dib markii uu wax yar ka ciyaaray kulankii Goodison Park ee isbuucii hore.
Isaga iyo Sanchez waxa ay dhaliyeen ama abuureen in ka badan inta ay sameeyeen ciyaaryahan kale xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Manchester City v Arsenal

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika
MAXAA KA CUSUB?

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City Samir Nasri ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo seddex isbuuc ah ka dib dhaawac ka soo gaadhay kubka, halka weeraryahanka Edin Dzeko uu isna shaki ku jiro dhaawac darteed.

Sergio Aguero iyo Vincent Kompany ayay u badan tahay inay ku soo bilaabanayaan ka dib markii ay kursiga keydka soo fadhiisteen isbuucii hore iyagoo dhaawacyo ka soo laabtay.

Daafaca Arsenal Mathieu Debuchy iyo xiddiga khadka dhexe Mikel Arteta ayaa iyagana dhaawacyo muddo dheer ku maqan.

Kieran Gibbs ayaa shaki ku jiraa isagoo dhibaato ka qaba cidhibta, laakiin Calum Chambers ayaa la filayaa inuu ka soo laabtaa xumadii heysay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-2-3-1): Hart; Zabaleta, Demichelis, Kompany, Kolarov; Fernandinho, Fernando; Navas, Silva, Milner; Aguero.

Arsenal (4-2-3-1): Ospina; Monreal, Koscielny, Mertesacker, Bellerin; Cazorla, Coquelin; Sanchez, Ramsey, Oxlade-Chamberlain; Giroud.

MA OGTAHAY?

Manchester City ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ka horyimaadeen Arsenal, waxa ay badiyeen labo jeer halka seddexda kulan kale ay barbaro galeen.
Waxaa laga badiyay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay Arsenal ku soo dhaweeyeen Etihad Stadium.
Waxaa la bixiyay lix kaar oo casaan ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee dhexmara labadaan kooxood ee Premier League.


Contact@afkashacabka.com