Dawladda Turkiga oo Dalkeed ka Mamnuucday Isticmaalka Adeega Shabakadda Twitter-ka.

0
Friday March 21, 2014 - 22:47:58 in by salman abdi
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Turkiga oo Dalkeed ka Mamnuucday Isticmaalka Adeega Shabakadda Twitter-ka.

    Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka mamnuucay isticmaalka mid ka mid ah baraha bulshada loogu isticmaalka badan yahay ee Twitter-ka, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay qorshe dowladiisa dooneyso inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka mamnuucay isticmaalka mid ka mid ah baraha bulshada loogu isticmaalka badan yahay ee Twitter-ka, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay qorshe dowladiisa dooneyso inay ku joojiso baraha bulshada.


Turkiga ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyay galay fadeexadooyin siyaasadeed iyo mucaarado hareeyay dowladda Recep Tayyib Erdogan oo ay ku soo fool leeyihiin doorasho.

 

Baraha bulshada ayaa dhowaan la geliyay cod la sheegay inuu ahaa Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wiilkiisa oo taleefan ku sheekeysanayay, isla markaana ka hadlayay lacago malaayiin doolar in la lunsado.


Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa ayaa horay isugu casilay musuq maasuq, kadib markii wiilashadooda lagu helay inay hanti dhaceen, sidoo kale waxaa la ceyriyay boqolaal saraakiil booliska ka tirsan.


Ra'iisul Wasaare Erdogan ayaa horay uga hanjabay inuu xirayo barta Youtube-ka ee la soo dhigo fariimaha ka dhanka ah dowladdiisa, iyadoo dhowr cisho ka hor la soo dhigay cod la sheegay in laga duubay mas'uul ka mid ahaa shirkada diyaaradaha Turkish Airlines iyo mid ka mid La taliyeyaasha Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay hub la geeyay Nigeria oo looga shakisan yahay inuu u gacan galay kooxaha mintidiinka.


Bartamihii sanadkii hore ayaa waxaa ka dhacay Istanbul iyo magaalooyin kale oo ku yaala Turkiga dibad bax looga soo horjeeday nidaamka dowladiisa, iyadoo dibad baxayaasha ay qal qal geliyeen siyaasada dowladiisa.



Afkashacabka.com
Turkiga /Office
Contact@afkashacabka.com