"Runtii dhacdadani way jirtaa, waana arin fool xun, laba baabuur oo ka mid ah Gadiidka shirkada socdaalka Bari iyo Galbeed oo u kala socday Magaaloyinka Wajaale iyo Boorama ayay ahaayeen"Guddomiya shirkada Rakaabka baabuurta Bari iyo galbeed

0
Monday January 19, 2015 - 15:14:45 in by Burco Office
  • Visits: 2081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Runtii dhacdadani way jirtaa, waana arin fool xun, laba baabuur oo ka mid ah Gadiidka shirkada socdaalka Bari iyo Galbeed oo u kala socday Magaaloyinka Wajaale iyo Boorama ayay ahaayeen"Guddomiya shirkada Rakaabka baabuurta Bari iyo galbeed

    Hargaysa(afkashacabka.com)-Sida ay wararku nagu so gaadhayaan labba baabiir oo ay leedahay shirkada socdaalka ee ka shaqeysa somaliland ayaa lagu af-duubay magaalada galbeedka gobalka gabiley ee kala baydha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(afkashacabka.com)-Sida ay wararku nagu so gaadhayaan labba baabiir oo ay leedahay shirkada socdaalka ee ka shaqeysa somaliland ayaa lagu af-duubay magaalada galbeedka gobalka gabiley ee kala baydha



Sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari Iyo Galbeed Maxamed Nuur Xirsi  oo sheegay inay jiraan baabuur ay leeyihiin oo lagu afduubay deegaanka Kala Baydh, waxaanu sheegay in rakaabka saarnaa baabuurtaasi ay u socdeen Boorame iyo Wajaale waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Runtii dhacdadani way jirtaa, waana arin fool xun, laba baabuur oo ka mid ah Gadiidka shirkada socdaalka Bari iyo Galbeed oo u kala socday Magaaloyinka Wajaale iyo Boorama ayay ahaayeen gaadiidkaas oo loogu tala galay in la burburiyo furayaashiina laga qaaday dirawalintii ayaa waxaa soo gaadhay ciidanka

iyo dad gurmad ahaa oo ka shaqeeyay shirkada.” Ayuu yidhi gudoomiyaha shirkakaasi.

 Sidoo kale gudoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari Iyo Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha keenay in la afduubo baabuurtooda waxaanu yidhi "Maalin dhawayd oo ilaa toban maalmood ka soo wareegen ayaa mid ka mid ah gadiidka shirkadu waxa uu ku jiidhay magaalada Kalabaydh wiil dhalinyaro ah kaas oo u dhintay dhaawicii ka soo gaadhay shilka Baabuur,arinkaas oo ka shirkad ahaan aad uga xunahay, waxaanu  u tagnay reerkii inanka yar waanan u tacsiyadaynay, Inankiii dirawalka ahaa iyo gaadhigiiba waa ay xidhan yihiin , hawshiina waanu galnay qaabkii shilkan dhacay iyo sidoo kale ka shirkad ahaan isku wafajin lahayn sharciyada Shirkada taas oo aanu isla garanay inanka dirawalka ah iyo cidii uu ka soo jeeday in magtii la bixiyo "

sidoo kale gudoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari iyo Galbeed waxa uu eedayn u soo jeediyey cuqaal ay ka wada hadleen sidii loo dhamayn lahaa khasaaraha dhimashada ah ee ka dhashay shilkii baabuur waxaanu yidhi "Waxaanu usoo anba baxnay dhankaas  iyo Gabiley taas oo aanu ku balansanayn odayaasha iyo Cuqaashii ka soo jeeda marxuumkii ku dhintay Shilka laakin waxaan is lahaa cuqaasha iyo madax dhaqameedkii waxbay isku soo dhawaysaa taas ma dhicin oo afka lagama dhawree wiilka darawalka ka ahaa gaadhiga shilka gaystay  ayaa ahaa dadkan la hayb sooco kaas oo ay odayaashaasi si quudhsi leh ku sheegen in aanay nin qabiilkiisu yahay dadka la hayb sooco aanay mag ka qaadanayn taas oo arinkii aan u soconay kala fogaysay waxaana ayaan daro ah caaqilka fikirkaa khaldan aaminsan anigoo Gobolkan Gabiley ka soo jeeda ayaa marnaba aan islahayn dadkaygu ma sidan ayay cusuriyiin u yahiin.”

Ugu danbayntiina gudoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari iyo Galbeed waxa uu sheegay inay shir ahaan diyaar u yihiin in xal laga gaadho arintaasi waxaanu yidhi " Anagu ka shirkad ahaan diyaar ayaanu u nahay in xal laga gaadho hawshaa dhacday ,reerkii uu ka dhashay inanka darawalka ahina  waa la diyaar magtii iyo waan waan kasta ,markaa waxaan ugu baaqayaa umada in aan wax khaldan laga dhaadhicin dhacdadanina waxay noqonaysaa mid bar madow ku ah guud ahaan Gobolka Gabiley oo dhacda aad fool xun hore uga dhacday lana wada ogaa waraadkii ay reebtay markaa tana yaan laga dhigin tii labaad ee sumcada gobolka aynu ilaalino " ayuu yidhi gudoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari iyo Galbeed Maxamed Nuur Xirsi

cabdirisaaq cabdilaahi aadak  koronto

afkashacabka.com

Hargeisa/Office

Koronto935@gmail.com