Moobilka Galaxy S5 Oo La Ogaaday Mobilada kale Waxa Uu Ka Duwam Yahiin

0
Tuesday January 20, 2015 - 12:08:31 in by salman abdi
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Moobilka Galaxy S5 Oo La Ogaaday Mobilada kale Waxa Uu Ka Duwam Yahiin

    Shirkada soo saarta Moobeelada ee Samsung ayaa waxa ay ku guuleysatay in ay ku dhawaaqdo soo saarista nooc cusub oo ka mid ah Moobeeladeeda la magac baxay Galaxy.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada soo saarta Moobeelada ee Samsung ayaa waxa ay ku guuleysatay in ay ku dhawaaqdo soo saarista nooc cusub oo ka mid ah Moobeeladeeda la magac baxay Galaxy.


Samsung ayaa waxa ay soo bandhigtay Moobeelka Galaxy S5 kaas oo mudooyinkan la wada sugayay ka dib markii in badan uu suuqa yaalay Galaxy S4 dadkana ay aad u xiiseynayaan soo bixista noocan cusub.


 

 

Galaxy S5 ayaa waxa uu siyaabo badan kaga duwan yahay Galaxy S4 oo suuqa ku soo horeeyay waxaana ka mid ah dhanka Kaamirada ,Beetariga iyo aalada uu ku shaqeenayo (CPU) iyo habka isticmaalka Shaashadiisa.

Galaxy S5 Cabirka uu Kaamirada danbe ku lee yahay ayaa waxa ay gaadheysaa 16 megapixel,sidoo kale qaab Video ah oo dhan 4K ayay leedahay.

Moobeelka Galaxy S5 ayaa dherer ahaan gaadhaya 5.1 inch waana mid wax yar ka weyn moobeelada kale ee kaga soo horeeyay suuqa.

Galaxy S5 ayaa waxa la sheegay in suuqa si toos ah loo soo galin doono bisha April ee sanadkan waxaana ugu horeyn laga iibin doono shirkadaha dalka Mareykanka ka dibna wadamada kale ayaa loo gudbin doonaa. 



Contact@afkashacabka.com