Warbixin ku Saabsan Hubka La Geeyo Qaaradda Afrika Iyo Dalalka Laga Keeno

0
Tuesday January 20, 2015 - 12:17:58 in by salman abdi
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin ku Saabsan Hubka La Geeyo Qaaradda Afrika Iyo Dalalka Laga Keeno

    Warbixin cusub oo ku saabsan colaadda Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa muujinaysa sida hubka laga sameeyo caalamka uu u gaaray ama loo gaarsiiyey xoogga falaagada ka dagaalanta dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin cusub oo ku saabsan colaadda Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa muujinaysa sida hubka laga sameeyo caalamka uu u gaaray ama loo gaarsiiyey xoogga falaagada ka dagaalanta dalkaasi.


Warbixintan waxaa diyaarisay hay’adda cilmi baadhista (Conflict Armament Research) oo laga leeyahay dalka Britain, iyadoo warbixinta kasoo saartay baadhitaankeedii hubka kala duwan ee la geeyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Bambo gacmeed laga soo saameyey waddamada Bulgeria, Rasaas laga soo sameeyay dalka Britain, hoobiyayaal laga soo saaray Shiinaha iyo qoriga daran-dooriga u dhaca oo laga soo saaray warshadaha dalka Suudaan ayaa lagu sheegay warbixinta inay si joogto ah dalkaas u gaadhaan.

Dhammaan hubkan ayaa siyaabo kala duwan lagu gaadhsiiyaa dalkaas, iyadoo la sheegay in gacanta fallaagada Seleka ee dalkaas ka dagaalanta Jamhuuriyada badhtamaha Afrika ayuu gacanta u galaan, sida warbixinta lagu sheegay.

Hubkan oo qaar ka mid ah lasoo xaday, qaar kalana si qarsoodi loo geeyay wadankaas ayaa wuxuu sii hurinayay colaadda oo labadii sano ee ugu dambeysay burburisay waddankaas oo dhan.

Haddaba baadhitaanka ay sameysay hay’ada (Conflict Armament Research) oo u shaqenaysay Midowga Yurub ayaa muujinaya sida qoryaha laga soo sameeyey dalalka Shiinaha iyo Iran oo lagu daray dalka Suudaan.

Kaddib waxaa la sheegayaa in qoryahaas dib loo habeeyay, kadidbna diyaarad lagu qaaday gacantana loo geliyey dagaalyahanada muslimka ah ee Seleka kuwaasoo barakiciyey dad rayid ah oo kumannaan qof gaadhaya.

Walaaca la muujinayo ayaa wuxuu yahay in arrintan mid sharci-daro ah una muuqata inay tahay mid aanan la joojin karin.


Hubkan Jamhuuriyada Afrikada dhexe ku qulqulaya ayaa wuxuu gacan ka geysanayaa in xasillooni-darradu ku fida dalkaas sida dalalka ay ka mid yihiin; Nigeria, Cameroon iyo Koonfurta Sudan.


Contact@afkashacabka.com