Wasiir XAGLO-TOOSIYE Oo Reer Qori-lugud U Bandhigay Nabadgalyo Iyo Kalsooni Dhex Marta Walaalahooda Buuhoodle

0
Wednesday January 21, 2015 - 13:08:59 in by salman abdi
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir XAGLO-TOOSIYE Oo Reer Qori-lugud U Bandhigay Nabadgalyo Iyo Kalsooni Dhex Marta Walaalahooda Buuhoodle

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo weftiga Madaxwaynaha ee safarka ku maraya gobollada dalka kaga biiray degmada Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo weftiga Madaxwaynaha ee safarka ku maraya gobollada dalka kaga biiray degmada Qori-lugud ee gobolka Buuhoodle


 

, ayaa dadweynaha reer Qori-lugud ka codsaday in la soo celiyo walaaltinimadii iyo is dhex markii ka dhexeeyay shacabka degmada Buuhoodle ee ay walaalaha yihiin.

 


 

Wasiirka oo ka hadlayey Munaasibad lagu soo dhaweeyay weftiga Madaxwaynaha oo gaadhay Qor-lugud, ayaa sheegay in shacabka reer Buuhoodle ay diyaar u yihiin nabadgalyo iyo walaalnimo, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in arrintaa laga wada shaqeeyo.

"Boqolkiiba boqol reer Buuhoodle nabadgalyo ayay diyaar u yihiin, reer Qori-lugudna waan ogahay, dhammaanteen diyaar ayaynu isku nahay, is dhex markii, kalsoonidii iyo wada dhalashadii aynu soo celinno oo aynu nabadgalyada ka shaqeynno, si aynu horumar u gaadhno oo aynu dadka wax ula qabsanno oo aynu waxqabadka socda ula jaan-qaadno, aynu isku nimaadno” ayuu yidhi, Wasiir Xaglo-toosiye, waxaanu intaasi ku daray oo uu Madaxwaynaha ka codsaday inuu nabaddaasi ku duceeyo "Madaxwayne, adiguna Nabadda noogu ducee” 




Contact@afkashacabka.com