"Mucaaridku Sharciga Ha Eegaan Ma Samayn Karaan Dawlad Ku Meel-gaadh ah" Jamac Shabeel

0
Wednesday January 21, 2015 - 13:10:47 in by salman abdi
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mucaaridku Sharciga Ha Eegaan Ma Samayn Karaan Dawlad Ku Meel-gaadh ah" Jamac Shabeel

    Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga tallada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka, isagoo dhinaca kalena soo dhaweeyay safarka uu madaxweynuhu ku marayo goboladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga tallada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada mucaaridka, isagoo dhinaca kalena soo dhaweeyay safarka uu madaxweynuhu ku marayo goboladda dalka.

Jaamac Ismaaciil Cigge oo shalay u waramayay wargeyska AWAN, ayaa waxa uu ku tilmaamay xisbiyada mucaaradka inay yihiin qaar aan waxba ka aqoon dastuurka dalka u yaalla, waxaana uu xusay in aanay awood u lahayn in ay sameeyaan waxa ay ugu yeedheen dawlada ku meel gaadh ah.

Jaamac Shabeel oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Arrintaasi wax ka jiraa ma jiro waana dad riyoonaya dawlada la iskama dhiso ee waxay leedahay dariiq sharci markaa dawlad la dhisayo, waxaan leeyahay dastuurka iyo shuruucda dalka ayaad u baahan tihiin in dib u akhrisataan wax dawlad wadaaga iyo dawlad ku meel gaadha la yidhaahdo, dastuurkuna ma sheegayo, markaa inta aydaan iska hadal u taga dadka sharciga yaqaan oo ha noqonina dad iska hadla uun, wax aad samayn kartaana maaha awood aad dawlad ku dhistaana ma haysaan.”

Waxa kale oo uu Jaamac Shabeel sheegay in socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ku marayo gobolada dalka ay qorshaysan yihiin, isla markaana aanay haboonayn in wax laga soo dhex saaro, meelaha uu u hoydo. waxaanu yidhi "Madaxweynuhu marka uu safar u baxayo waa la sii qorsheeyay halka aad adigu jeceshahay ma seexanayo, halka aad neceb tahayna ma dhaafayo. Madaxweynaha halka uu u hoyanayo iyo wakhtiyada uu joogayo waa la qorsheeyaa, markaa waxa aan leeyahay maamuska dawladnimo ayaa idinka dhimane aad u fahma.”

Jaamac Ismaaciil Cigge, waxa uu sheegay in aanay jirin sabab guddoomiyaha Kulmiye uga mid noqdo weftiga Madaweynaha ee socdaalka ku maraya gobolada dalka oo uu tilmaamay inay tahay hawl madaxweynuhu u xil saaran yahay.

 

waxaanu sheegay in xisbiga Kulmiye khatar ku hayn xisbiyada mucaaradku doorashada soo socota, "Madaxweynuhu isagaa maamulka dalka u sareeya, Muuse Biixi waa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Madaxweynuhu dawladan uu maamulayo ayuu kormeerayaa sabab uu Muuse Biixi u raaco ma taallo haddii uu Muuse raaco oo olole ayaa lagu jiraa, laakiin marka aanay olole ahayn xisbigu ma raacayo Madaxweynaha oo wuxuu kaxaysanayaa wasiirrada inta uu u dan leeyahay ee uu doonayo in hawlahooda wax ka ogaado. annagu waxa aanu sugaynaa ka xisbi ahaan doorashada Komishanku marka ay soo dhigaan.

 

Waxkhtiga doorashadu dhacayso ayuun baanu baalalka la kala baxaynaa, doorashada soo socotana kalsooni buuxda ayaan ka qabnaa, in aanu ku guulaysanayno, waayo mucaaridka kaas oo horjeeda waad qiimaynaysaa oo mucaaridka midina waa mid khatar kugu haya markaa ma jiraba mucaarid aanu ka baqaynaa oo khatar nagu hayaa haba yaraatee ma jiro,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.




Contact@afkashacabka.com